Yaa ka dambeeyey inay Ahlu-Sunna ka baxdo GURICEEL?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa markii u horeeyay sheegay in maamulka Galmudug dalbaday in ciidamada iyo hogaanka Ahlu-Sunna laga saaro Guriceel, si loo gudo galo tabashadooda, taasina ay aqbaleen.

Wasiirka ayaa u mahad-celiyay guddiga labada dhinac waan-waanta ka dhex wada, kuwaasi oo ku guuleystay in hogaanka Ahlu-Sunna aqbalaan dalabka maamulka Galmudug.

“Nuxurkayaga waxa uu ahaa nimankaan Guriceel ha laga saaro oo dadkana magaalada ha kusoo noqdaan, wixii ay tabanayaan ha ka hadlaan, Nimankii ayey arrintaas ka ogolaadeen welina wey isku maqan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

“In deegaanka nabad yahay farxad ayay noo tahay, in dhibtaada intaas ku eekato waa waxa raadineynay, cid kasta oo ku guuleysata gacmo furan ayaa ku soo dhaweynayna. Haddii ay ka baxeena waa mahadsan-tihiin ayaa leenahay.”

Sidoo kale waxa uu dagaalkii Guriceel ku tilmaamay inqilaab dhicisoobay oo meesha looga saarayay nidaamka iyo sharciyada Galmudug, islamarkaana uu ka hortagay maamulka.

“Nimankaas odayaasha ah in Guriceel ka baxeen oo haddana dowladda ay joogto ayaa warkeena yahay, intaan oo kale deegaanka iyo dadka wax isku haya jawaab u noqon mayso anfici mayo,” ayuu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey in Ahlu-Sunna awood ciidan uga baxday degmada iyo inkale.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu soo dhamaaday dagaalkii Guriceel, islamaarkaana ay Ahlu-Sunna garawsadeen in sharciga raacan oo ka baxaan magaalada, si dhibaatada intaas uga sii badan.