Guddoomiye Anas Cabdi oo soo saaray hanjabaad cusub iyo dad ku sugan Guriceel oo…

Guriceel (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin oo markii u horeysay ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhowrka maalmood ka socday degmada Guriceel ayaa hanjabaad culus u diray dadkii gacanta siiyay Ahlu-Sunna oo qaarkood ku sugan yihiin degmada.

Guddoomiye Anas ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dadka qeybta ka ahaa waxyeelada soo gaartay bulshada Guriceel, islamarkaana ay maxkamad kasoo hormuuqan doonaan, sida uu sheegay.

“Cid walba oo gacan ku laheyd oo Guriceel ha joogto ama ha ka maqnaate waxaa rajeynayaa inay maxkamad kasoo hor-muuqan doonto. Raali kama noqon doono in maalin walba la dhibaateeyo guryaheen oo haddan xaafadaha naloo joogo oo dad wanaagsan oo fiican oo wanaagsana la iskaga dhigo wax shaqeyn doono maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Anas Cabdi Macalin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan oo saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka, ganacsiga, caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee degmada Guriceel.

“Dadka reer Guriceel waa baraargusan yihiin mana aha dad raba in ay laabtaan oo xiligan kadib lagu qancin karo aan jabhadeyno oo xaafado hoose aan u dagaalano. Waa dad fahansan cadowgooda iyo kuwa wax u galay.”

Guddoomiye Anas ayaa ballan-qaadya in sida ugu dhaqsaha badan ay gargaar gaarsiin doonaan dadkii ku barakacay dagaalka Guriceel, isagoona hay’addaha samafalka ugu baaqay ka qeyb qaadashada taakulada dadkaas.

Maamulka sare ee degmada Guriceel ayaa u muuqda kuwo aargoosi xun kula kacaya dadkii gacanta siiyay ururka Ahlu-Sunna ee xiligan ku sugan degmada, waxaana sidan oo kale shalay wacad ku maray Taliyaha saldhiga booliska degmada inay si nabad ah ku joogeen dadkaas.