Sheekh Mukhtaar Roobow oo la sheegay inuu xaalad halis ah ku sugan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed kasoo baxay Xisbiga Amniga iyo Caddaalada ayaa walaac xoogan looga muujiyey xaalada Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay xabsi guri gelisay dowladda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Xisbigan oo uu hoggaamiyo Roobow ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaalad caafimaad xumo iyo daryeel la’aan oo uu wajahayo Roobow, taasi oo muujineysa heerka ay gaarsiinsan tahay xadgudubka ay geysanayaan Rajiimka Farmaaj, sida lagu yiri qoraalka.

“Rajiimka Farmaajo waxay ku tilmaaman yihiin koox aan xeerineynin Diinta Islaamkka, Dhaqanka Soomaalida iyo Xeeerka Caalamiga ah. Waxaa wax lala yaaabo ah in hay’adihii Cadaalada iyo Garsoorka ay noqodaan kuwo aaan Madaxbanaaneyn islamarkaana ku milmey laamaha fulinta ayna noqdeen kuwo u nugul dhageysiga Awaamiitka kaga imaaneysa kooxda Farmaajo,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay xisbiga amniga iyo cadaalada.

Sidoo kale waxa uu xisbigu soo dhaweeeyay dacwada ka dhanka ah Farmaajo ee qareenada Soomaaliyeed u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Aduunka (ICJ).

“Xisbiga waxa uu ka wel-welsan yahay Nolosha bed-qabka Musharax Sheekh Mukhtaar tan iyo markii Wareysi gaar ah uu siiyey warbaahinta VOA,” ayaa sidoo kale lagu yiri qeyb kamid ah war-murtiyeedkaas.

Waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Beesha Caalamka iyo hay’addaha xuquuqul insaanka inay si dhow ula socdaan Nolosha iyo Bedqabka Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow.

“Xisbiga waxa uu cod dheer ku sheegayaa haddii ay dhacdo inay dhibaato gaarto Musharax Sheekh Mukhtaar waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo Fahad Yaasiin.”

Hoos ka aqriso qoraalka Xisbiga