QOOR QOOR oo kulamo ka billaabay Guriceel + Sawirro

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Guriceel ayaa la kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada deegaanka, kuwaa oo saacadihii ugu dambeeyay dib ugu laabtay magaalada.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dadka reer Guriceel kala hadlay xaaladda guud iyo midda amniga, kadib dagaaladii saddexda cisho ka socday magaaladaasi iyo ka bixintaankii Xoogagga Ahlu Sunna.

Qoor Qoor ayaa ka qaybgalayaasha ka dhageystay talooyin ay ka siiyeen, sida magaalada kaga gudbi karo marlxaadda ka jirta, isagoona kaga mahad-celiyay garab istaagga ay u muujiyeen geeddi-socodka nabadda, dowladnimada iyo wadajirka dadka reer Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galab gaaray magaalada Guriceel, maalin ka dib markii ay magaaladaasi baneeyeen Xoogagii Ahlu Sunna ee 1-dii bishan la wareegay.