Xog: Yaa ka danbeeyay in Gaas uu aqbalo dib u dhaca doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu si rasmi ah u aqbalay in dib u dhac kooban uu ku imaado xiliga doorashada la filaayay inay dhacdo.

Go’aanka uu C/wali Gaas ku aqbalay in dib loo dhigo dooorashada ayaa yimid kadib markii kulan gaar ah wada qaaten Danjiraha dowlada Imaaraadka u fadhiya Somalia Maxamed al-Cuthmaani.

Al-Cuthmaani, oo u janjeera dhanka Xassan Sheekh ayaa kaalin miisaan leh ka qaatay sida C/wali Gaas looga dhaadhicin lahaa inuu aqbalo dib u dhaca, waxaana sidaa go’aanka dib u dhacaasi ku qaatay Gaas.

Al-Cuthmaani ayaa muddo laba jeer ah ay C/wali Gaas kuwada kulmeen Xarunta Madaxtooyada Somalia, waxaana xigay kulan seddexaad oo casha sharaf ah uu al-Cuthmaani u sameeyay Gaas, kulankaasi oo ahaa ka uu C/wali Gaas ku bedelay mowqifkiisii hore.

Dowlada Imaaraadka ayaa qeyb ka ah dowladaha wax ka bixin doona dhaqaalaha la filaayo in lagu qabto doorashada dhawaan dhici doonta waxa ayna sidoo kale dowladaasi garab u fidineysaa Xassan Sheekh oo ah Musharax.

Si kastaba ha ahaatee, Danjiraha Imaaraadka ee Somalia ayaa udub dhaxaad u ah Madaxda dalka, waxaana xusid mudan in xiliyada uu jiro khilaafka uu ka shaqeeyo sida ay isugu soo dhawaan lahaayen Madaxda Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com