Xabsi ku yaalla Turkiga oo laga daayay fannaanad Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa dib usii deysay Fannaanada caanka ah Qamar Cabdillaahi Harawo, kadib markii dhowr sano ay ku jirtay Xabsi dalkaasi ku yaalla.

Fannaanadaani ayaa horay uga mid aheyd Hobolada Waaberi, iyadoo soo deysmadeedii kadib la sheegay in si KMG ah loo dajiyay Hoteel ku yaalla magaalada Istanbuul.

Deysmada Fannaanadaani ayaa waxaa ka qeybqaatay dowlada Somalia kadib markii wufuuda halkaasi gaara ay si joogta ah dowlada Turkiga kala hadlayeen in Fannaanadaasi laga sii daayo Xabsiga.

Ciidamada Booliska magaalada Istanbuul ayaa Fannaanadaani lagu magacaabo Qamar Cabdillaahi Harawo xabsiga dhigay sanadu marka ay aheyd 2012, waxa ayna Fannaanadu ku eedeysneyd in xiligii la qabanaayay ay waday qaad oo marka sharciga dalkaasi la eego u dhigma garoogada noocyada ugu khatarta badan.

Qamar Cabdillaahi Harawo, waxa ay xiligaasi beenisay inaanu jirin wax daroogo ah oo lagu qabtay, walow ay dowlada Turkiga dhankeeda ka sheegtay in xarigeeda ay u heyso cadeyn.

Maxkamad ku taalla magaalada Istanbuul ayaa Qamar Cabdillaahi Harawo Bishii December ee sanadkii 2012-ka ku xukuntay 8 sano oo xabsi ah.

Si kastaba ha ahaatee, Qamar ayaa iminka ku sugan magaalada Istanbuul waxaana lagu wadaa in halkaasi ay kusii sugnaan doonto inta ay ka hesho amar dhanka Maxkamada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com