Xog: Xasan Sheekh iyo Jawaari oo hadallo kulul is weydaarsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow xafiisyada madaxweyne Xasan Sheikh iyo Gudoomiye Jawaari ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay labada masuul kaasi oo salka ku haya dastuurka qodobo kamid ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheikh iyo Gudoomiye Jawaari waxyaabaha ugu badan ay isku hayaan ay tahay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheikh marka la gaaro bilowga bisha September.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii Jawaari iyo Xasan Sheikh Maxamuud ay hadalo adag isku weydaarsadeen furitaankii shirka madasha wadatashiga qaran, kaasi oo ku saleysay muddo xileedka madaxweynaha.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa furitaankii shirka soo qaatay qodobo cadeynaya muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, islamarkaana marka waqtiga madaxweynaha uu dhamaado uu xilka heynayo afhayeenka baarlamaanka sida dastuurka uu qabo.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku jawaabay in haddii waqti kordhin la sameynayo in dhamaan hayadaha dowlada ay sii shaqeynayaan inta dowlad cusub la dhisayo balse hayado gaar ah aysan shaqeyneynin, taasi oo ka dhigan in qodobka dastuurka uu baarmarayo.

Qodobka 91aad ee Dastuurka ayaa dhigaya in marka uu Madaxweynaha waqtigiisa dhamaado in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sii heynayo xilka, inta Madaxweyne laga dooranayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com