XOG: XASAN oo diiday xaqiijinta amniga siyaasiyiinta la tartamaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh uu shaki ka muujiyay ballanqaadka amniga Musharaxiinta kula tartameysa doorashada 2016-ka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu ka gaabsaday mas’uuliyada amniga Musharaxiinta, balse uu sheegay in Musharaxiinta ay kamid yihiin muwaadiniinta dalka ku nool.

Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia aysan awood u laheyn in musharax waliba ay siiso ilaalo ama amni gaar ah, isaga oo marmarsiyo ka dhigtay in xiliga doorashada ay dowladu qudheeda u baahan tahay ciidamo dheeri ah.

Waxa uu tilmaamay in musharax waliba uu ku tashtay qaabka uu u xaqiijin lahaa amnigiisa iyo wixii dhaqaale ah ku bixikara mudada uu ku jiro ololihiisa, sidaa darteedna uusan xiligaani sameynkarin ballanqaad rasmi ah.

Madaxweynuhu waxa uu haddalkaani sheegay xili uu Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka tirsan xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa horay u mamnuucay in Garoonka Aadan Cadde lagu soo dhaweeyo musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com