Xog: Somaliland iyo Khaatumo oo heshiinaya iyo wasiiro kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Caynaba ayaa sheegaya in halkaasi ay ka bilowdeen wadahadalo u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo maamulka Khaatumo oo marar badan ku dagaalamay deegaanada Sool, Sanaag iyo ceyn.

Magaalada Caynabo oo gobolka Sool ka tirsan ayaa waxaa wadahadal uu kaga bilowday masuuliyiin kala mataleysa maamulada Somaliland iyo Khaatuma, waxaana la sheegayaa in la doonayo in nabad lagu dhameeyo khilaafyadii horey u dhacay.

Masuuliyiinta kala mataleysa labada maamul ayaa waxay kala ahaayeen wasiirka warfaafinta Khaatumo Axmed Xaaji Cali iyo wasiirka amniga Axmed Keyse Cabdi Yuusuf, halka dhanka Somaliland ay matalayeen wasiirka dib u dajinta Cali Siciid Reygal iyo wasiir ku xigeenka duulista Axmed Nuur faahiye.

Wasiirka Warfaafinta Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in markale aysan bulshada kusoo laaban waxii horey u dhacay ee dagaalo ahaa hadda kadibna laga shaqeyn doono sidii arimahaasi looga hortagi lahaa.

” Maamulka Khaatumo wuxuu go’aan ku gaadhay dhinacyada aanu is hayno ee colaad siyaasi ah iyo mid xabad ahiba naga dhaxeyso;sida Puntland iyo Somaliland, wadahadal siyaasi ah la yeelanno, waana mid aan inbadan ka wadahadalnay, wafdi lix xubnood ah oo labo wasiir ay hoggaaminayaan ay ka ambabaxaan magaalada Buuhoodle oo ay Caynabo gaadhaan maamulkaan ay maamulka khaatumo ka wadahadlaan sida loo qaabeynayo loo wadahadlayo  isku imaatinada iyo barnaamijyada siyaasiga ah, waa howl wajigii koowaad ku bilaabantay, waxaanan ka rajeynaynaa wax ummadda dan u ah dhinac  walba; goboladaa waqooyina dan u ah”.

Wasiirada Somaliland ka tirsan ee kasoo jeeda deegaanada dagaalada ku dhexmaraan Khaatumo iyo Somaliland ayaa dhankooda sheegay iney soo dhaweynayaan wadahadalka ayna diyaar u yihiin iney la hishiiyaan maamulka Khaatumo.

Wadahadaladaa ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee ka dhaca deegaanada muddada badan ay ku dagaalamayaan beelaha kasoo kala jeeda labada maamul ee Somaliland iyo Khaatumo.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com