Dagaal khasaara geystay oo ka socda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaalkaani ayaa waxa uu u dhexeeya ciidamo ka tirsan Booliska Degmada Kaaraan iyo maleeshiyaad boob ka geysan jiray gudaha degmada Kaaran.

Ciidamadaani ayaa ku baxay maleeshiyaadkaasi oo boob geysanaayay waxaana lasoo warinayaa in is rasaaseyntaasi ay ka dhalatay khasaaro kala duwan.

Ciidamada Booliska ayaa waxaa hogaaminaayay Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Kaaraan Canjeex, kuwaasi oo rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaad ku caanbaxay boobka kana tirsan kuwa degmada.

Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaaya in dagaalka ay qeyb ka ahaayen maleeshiyaad kale oo gurmad u ahaa kuwa dhaca ka geysta degmada waxaana la sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex ruux oo ay ku jiraan kuwo caadeystay boobka, halka dhaawacana uu kor usii dhaafayo ilaa afar qof.

Ciidamada iyo maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyo ayaa isla galay gudaha xaafadaha degmada Kaaran, gaar ahaan xaafadaha ku xeendaaban Suuqa Arjantiin.

Gudaha xaafadaha qaar ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan oo u dhexeysa labada dhinac, waxaana cabsi laga qabaa in dagaalkaani ay kusoo biiran ciidamo kale.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Kaaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com