Hogaamiyayaasha Madasha oo isku haya 3 qodob oo miisaan leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku aadan qaabka loogu heshiin lahaa shirka Madasha Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Qodobada ugu adag ee shirkaasi ayaa waxaa la soo sheegayaa in iminka uu ka taagan yahay is fahan’waa kuwaasi oo inta badan kala sii fogeeyay Madaxda madasha Qaran.

Qodobada iminka miisaanka culus leh ee leysku horfadhiyo ayaa ah:-

1-Goobta ay ka dhici doonto xulista labada aqal ee loo qoondeeyay Somaliland, waxa uuna heshiisku ahaa in lagu soo xulo magaalada Muqdisho, waxaase iminka soo baxaaya aragtiyo kale oo taa ka duwan maadaama ay adag tahay qaabka wax loogu qeybin lahaa xubnaha kaga sugan magaalada Muqdisho.

2-Kala aragti duwanaanta labaad ee madaxda shirka ayaa ah halka lagu soo xuli lahaa labada aqal ee maamulada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, waxaana xujo ah in marka hore la dhiso maamulka oo dhismihiiso ay ku horgudboonyihiin caqabado.

3-In xal leysku fahmay laga gaaro xiliga Madaxweynaha oo ku eg 10-ka September, waxaana caqabad ah in xilka uu si KMG ah ula sii wareegi doono Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo in kale.

Maalinta bari ah ayaa la filayaa in go’aan sax ah laga soo saaro shirka ka socda magaalada Muqdisho, waxaana loo badinayaa in inta badan qodobada leysku hayo xal laga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com