Jadwalka cusub ee doorashada Somalia oo lasoo saaray (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dalka Somalia uu ku jiro xaalado adag oo kala guur ah ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaaya in isbedel muuqda lagu sameeyay Jadwalka xiliga doorashooyinka ee Somalia.

Madaxda madasha Qaran ee Somalia, ayaa inta badan isku fahmay isbedelka Jadwalka cusub ee la filaayo in si rasmi ah loo shaaciyo maalinta barri oo Axad ah kuna asteysan 7.8.2016-ka.

Madaxdu waxa ay isla fahmeen in 7da Nofeembar la qabto doorashada madaxweynenimada Somalia, oo inta badan laga dhowr sugaayo.

Xiligaani ayaa waxaa shaaca ka qaaday in doorashadaa la qaban doono Guddiga Hoggaanka Qaran ee NLF oo iyagu udub dhexaad u ah nidaamka doorashada dalka.

Guddiga Hoggaanka Qaran ee NLF waxa ay qalinka ku duugeen in xiliga aan kor kusoo sheegnay 275 xubnood oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia ay dooran doonaan madaxweynaha ay isla fahmeen in dalka uu hogaaminkaro.

13,750 xubnood oo ah wakiilada wax dooranaya kuwaasoo matalaya dadka Soomaaliya oo gaaraya 10.5 milyan oo qof ayaa qasab ay tahay marka hore inay soo xushaan 275 xubnood oo uu leeyahay aqalka hoose.

Waqtiga loo qabtay soo xulidda xubnaha aqalka hoose ayaa ah inta u dhexeysa 1da iyo 14ka Oktoobar magacyada xildhibaanadana waxaa loo meel dhigay 17ka Oktoobar.

Sidoo kale, Afhayeenka baarlamaanka ayaa waxaa la dooranayaa 28da Oktoobar, taasina waa tillaabada ugu dambeysa ee ka horeysa shaaca ka qaadida doorashada madaxweynaha ee Nofeembar 7.

Madaxda ku mideysan Madasha Qaran ayaa isla gartay in doorasho qof iyo cod ah la qaban doono sanadka 2020.

HOOS KA AKHRISO JADWALKA CUSUB EE DOORASHADA 2016-KA

Qorshe Hawleedka Waqtiyeysan

Waqtiga, Geeddi socodka, Masuuliyadda

Agoosto

4 Agoosto – 6 Agoosto
• Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

• Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka ay ka dhacayaan (tusmaynta madax dhaqameedyada )

• Musharaxiinta hadii kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

• Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga

• Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan (hadii aysan dhisnayn ka hor xiliga doorashada);

• Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banadir iyo howl-galintooda

• Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka;
• Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee labada aqal ee Barlamaanka;

• Ansaxinta iyo Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016

7-13 Agoosto
Diyaarinta Xafiisyada GDGDD ee Xarumaha Doorashada

MHQ

MHQ

14 Agoosto -20 Agoosto
• Tababarka Guddiyada doorashooyinka
federal iyo heer maamul Goboleed (GDGDD)
(Mudadan waxay isugu jirtaa Imaanshaha iyo Noqoshada)
GFHDD/QM

21 Agoosto – 24 Agoosto
• Tababarada 135 Madax dhaqameedyada
• Qaadashada warqadaha Aqoonsiga .
GDGDD/GFHDD

Siteembar 2016

25 Agoosto – 10 Siteembar
• 135 ta Madax dhaqameed ayaa soo gudbinaya liiska magacyada ergada
• Xalinta Khilaafaadka ee Ergooyinka
• Shaqaalaynta iyo tababarada howlwadeenada doorashooyinka
Madax Dhaqameedka /GDGDD/GFHDD

25 Siteembar
Dhisida iyo soo gudbinta xildhibanada Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn bisha Siteembar 25-da, 2016
MHQ

11-30 Siteembar
• Baahinta Waqtiga Diiwaangalinta Musharixiinta
• Hubinta shuruudaha Musharaxa iyo Diiwaangalintooda
• Diiwaangalinta Korjoogtada.
GFHDD

Oktoobar 2016

Oktoobar 2016

01-14 Oktoobar
• Doorashada Golaha shacabka
GDGDD/GFHDD

15- 17 Oktoobar
• Hubinta iyo ku dhawaaqidda natiijada kama dambaysta ah
GFHDD

18 Oktoobar
• Dhaarinta Golaha Shacabka
Maxkamadda Sare

28 Oktoobar
• Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka
Baarlamaanka

07 Nofeembar
• Doorashada Madaxweynaha Jamuuriyadda Federalka Soomaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com