Yaa lagu soo qabtay howl-galkii NISA maanta ka fulisay degmooyinka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ayaa howl-galo ballaaran oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyen qaar kamid ah degmooyinka Howl-wadaag, Yaqshiid iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo qabteen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Shabaabka ah ee ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Duufaan ayaa waxay tiradooda dhameyd saddex ruux, waxayna ku sugnaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Hogaanka Ciidamada si faah-faahsan ugama hadal magacyada Saraakiisha Shabaabka ah ee lagu soo qabtay howl-galada ay fuliyeen ciidamada Duufaan, lamana soo bandhigin sawiradooda.

Sidoo kale waxay sheegeen in Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay markasta u taagan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen amniga shacabka Soomaaliyeed iyo midka caasimaddaba.

Howl-galkan ayaa daba socda howl-galo ay labo maalmood ka hor isla ciidamada Duufaan ka fuliyeen xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile, taasi oo lagu soo saaray miinooyin la sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen qeybo ka mid ah xaafadaas.

Ciidamada amaanka iyo kuwa NISA ayaa habeenadii u dambeeyay howl-galo lagu xaqiijinayo amaanka caasimada ka fuliyay degmooyinka gobolka Banaadir, oo muddooyinkii dambe uu sii xumaanayey amaankeedu.