Arrinta suurta-gal ka dhigi karta in doorashada Aqalka Hoose ka muddo gaabnaato tii Aqalka Sare oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay inay suurtagal tahay in 38 maalmood gudaheed lagu soo gebagabeeyo doorashada Aqalka Hoose, maadama ay yihiin kuraas furan.

Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in doorashada Aqalka Hoose ay tahay mid ka madhan qancinta shaqsiyaad iyo waan-waan, maadama ay leeyihiin qabaa’il, halka middii hore ee Aqalka Sare ay arrimahaas mudada dheereyeen, sida uu sheegay.

“Kuraasta Aqalka Sare waa wax qof ku xiran oo madaxda dowlad goboleedyada ayey ku xidhneyd, ayagana waxay u baahnaayen u kala dab qaad, wax kala jiid iyo dad badan inay wax ku kala qanciyaan oo wax badan oo xal ah oo gudaha ay ka wadeen ayaa keenayay inay waqtigaas qaadato,”

“Doorashada kuraasta Golaha Shacabka midaas waa ka duwan tahay oo qabaa’ilka ayaa iska leh, majirto cid cid lagu qanciyo. Golaha Shacabka ayaa in badan ka fudud marka aad fiiriso Aqalka Hoose, waxaad u baahaneysa un in qabaa’ilka kala ilaaliso ee uma baahnid siyaasi wax kala jiidi kara.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada Aqalka Hoose ay shaqo ahaan iyo tiro ahaanba ay ka balaaran tahay middii hore ee Aqalka Sare, hase yeeshe ay muddo kooban tahay doorashadii hore oo is-jiid-jiid badan uu dib u dhigay.

Doorashada Aqalka Hoose ayaa dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay dalka, ayada oo shalay uu Guddiga doorashooyinka Somaliland uu shaaciyey in toddobaadkan gudihiisa uu qaban doono 9 kursi oo kamid kuwa gobollada Waqooyi.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa hore u go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah u bilaabmato 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas.