Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Rooble ayaa safarkiisa waxa uu la xiriiraa hubinta howlaha qabsoomidda doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha marka uu tago kulamo gaar gaar ah la qaadan doono hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo kala hadli doono doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulankan lagu soo qaado xiisadda u dhexeysa Ahlu Sunna iyo Galmudug oo weli ka taagan duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Safarka Rooble ee Dhuusamareeb ayaa bilow u ah socdaallo kala duwan oo uu kiu bixin doono xarumaha maamul goboleedyada, isaga oo u kuur-galayo doorashooyinka 2021-ka.