Xog: Qorshe yaab leh oo ay damacsanaayeen madax goboleedyada oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul Goboleedka Soomaaliya ayaa Asbuuca soo socdo si toos ah u billaabaya doorashada Golaha Shacabka, kadib markii ay socon waayeen qorshayaashooda.

In muddo ah doorashadaan waxay u xayirneyd dano kala duwan oo ku dhex nool madaxda maamullada, balse midda ugu weyn ayaa aheyd in dhaqaale xoog leh laga sameeyo mashruuca doorashada.

Lacagta waxay maamulada ka sugayeen sadddex jiho oo kala ah; Beesha Caalamka, musharixiinta iyo xubnaha doonayo kuraasta.

Waxay filayeen madaxda maamul Goboleedyada in lacag badan ka iman doonto dhinaca wakiilada caalamiga ah ee taageera dowladnimada Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka, maamul Goboleedyadu waxay soo qorteen lacag kor u dhaafeyso 30 milyan oo dollar. Amniga kaliya waxay usoo qorteen 17 Milyan oo Dollar.

Maamul Goboleed kasta wuxuu soo gudbiyey in 1,000 Askari ay ka shaqeyn doonto Amniga Doorashada, ciidamadaas waxay sheegeen in loo sameyn doono tababar loona iibin doono hub, dhar iyo saanad.

Waxaa la sheegay in arrintaas ay beesha Caalamka ku noqotay mid yaab leh, waxayna qaateen go’aan lama filaan ah. Markii ay arkeyn in doorashadii loo badalay mashruuc la rabo in dhaqaale laga sameeyo deeq bixiyayaasha dib ayey u gurteen.

Arrinta amniga waxay kaga soo jawaabeen Soomaaliya waxaan u dhisnay ciidan nooc walba ah, illaa hadda lacag ayaan ku bixinaa ciidankiina. Booliska iyo Militariga aan u diyaarinay Soomaaliya ee heysta hubka iyo mushaarka ha sugaan amniga doorashada, sidoo kale AMISOM ayaa joogta oo qaadata mushaar sidaas darteed dhinacyadaas ha sugaan amniga doorashada ayey kusoo jawaabeen wakiilada caalamiga ah.

Waxaa halkaas lagu soo koobay qorshihii koowaad oo ay madaxda maamul Goboleedyada rabeen inay lacag badan uga sameeyaan amniga doorashada.

Dhawaan markii ay madaxda maamullada iyo ra’iisul wasaaraha isku soo qaadeen arrinta dhaqaalaha ammaanka doorashada, waxaa la sheegay in lagu heshiiyey maadaama reer Galbeedkii hoos isaga dhageyn lacag ku bixinta amniga doorashada in la isticmaalo lacagihii laga qabtay is-diiwaangelinta doorashadii Aqalka Sare oo loo adeegsado ammaanka doorashada.

Lacagtaas ayaa ku dhow laba milyan iyo seddex boqol oo kun oo dollar. Shaqo lagu qaban karo wax ka yar 3 milyan oo dollar ayey madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya qorteyn inay u baahan yihiin 17 milyan dollar, ayuu yiri xubin kamid ah guddiga doorashooyinka.

Lacagaha kale ee laga rabo wakiilada caalamiga ah ee lagu qabanayo howlaha kale ee doorashooyinka ayey iyaduna madaxdu dalbatay wax ka badan 18 milyan. Lacagtaas iyadana cago jiid ayey reer Galbeedku ka yihiin.

Waxay ku doodayaan inay bixinayaan inta muhiimka ah. Hadda xukuumadda Federaalka ah ayaa maamul Goboleedyada siineysa lacago yar yar oo ay shaqada kusii bilaabaan. Sidoo kalana waxaa dhinacyada loo ogolaaday inay isticmaalaan lacagaha isdiiwaan gelinta ee kasoo xaroon doona kuraasta golaha Shacabka, waxaana halkaas ku rajo beelay qorshihii koowaad ee madaxda maamulada rabeyn inay lacago uga sameeyaan geediga doorashada.

Madaxda maamul Goboleedyada dalka hadda waxaa usoo haray laba dariiq oo ay lacag ku raadin karaan, mid waa musharixiinta xilka madaxweyaha, kuwaas oo qaarkood diyaar u ah inay lacag siiyaan madaxda maamulada si ay xildhibaano ugu soo saaraan.

Midda labaadna waa xubnaha raadinaya kuraasta xildhibaanada oo qaarkood ay ku jiraan jeeb weynayaal raba inay lacag ku harqiyaan hoggaamiyaasha maamul goboleedyada si loogu fududeeyo kuraasta.

Doorashadii sanadkii 2016, madaxdii maamul Goboleedyada ee xilligaas xilalka hayey waxay sameeyeen lacag badan, balse xilligaas waxaa lacagta inta badan laga keenay dhinaca Carabta oo dalalka qaar waxay rabeen in lasoo saaro xildhibaano kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh walow aan lacagtaas lagu qaban badankeed shaqadii Carabta rabtay.

Dhinac walba isfaham xooggan ayaa sanadkaan ka jira waana adag tahay in dhaqaale badan laga tabco doorashadaan ayey leeyihiin dadka u dhuun daloola arrintaan.