Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub Waqooyi Bari Soomaaliya, taas oo isla maanta lasoo gabagabeyn doono.
Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya ilaaa 5 musharrax oo isku soo taagay xilka madaxweynaha iyo 5 musharrax oo kale oo iyana u taagan madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.
Musharrixiinta ugu cad cad illaa iyo hadda xilka madaxweynaha ayaa kala ah Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye), Jamaal Maxamed Xasan iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo la filayo inay maanta ku loolamaan doorashada madaxweynaha ee ka dhaceysa Laascaanood.
Dhammaan musharixiinta ayaa xalay soo gabagabeeyay ololahooda doorashada, waxaana maanta go’aan ka gaaraya xildhibaannada Waqooyi Bari oo iyagu soo dooran doono madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, si loo dhammeystiro maamulka Waqooyi Bari.
Doorashadan oo si weyn isha loogu ah ayaa waxaa galaangal xooggan kuleh Dowladda Federaalka oo horay waqti badan u galisay dhismaha maamulka Waqooyi Bari Somalia.
Haddaba ayaa mudan in Madaxweynaha Waqooyi Bari loo doorto Firdhiye, Jamaal iyo Khaliif?
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud: “Hogaamiyaha hadda talada haayo Cabdulqaadir Firdhiye ayaa soo bixi doono”.
Axmed Macallin Aadan: “Aniga aragtidayda waxaa mudan in la doorto Jamaal Maxamed Xasan”.
Cabdullahi Shaafici: “Ninkii usoo halgamey ee Soomaaliya ku soo darey unbaa mudan”.
Cabdinaasir Maxamed: “Ninkii Alle u qoro ayaa mudan in uu hogaamiyo”.
Aayatullah Barre: ” Waxaa soo bixi doono ina Khaliif oo aan is leeyahay waa samatabixin karaa maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Yuusuf Cadde: “Anigu koley Firdhiye cidna kuma doorsanayo wayo wuu mudan yahay inuu sii hoggaamiyo maamulka”.

