Yaa sugaya ammaanka ergooyinka doorashada Soomaaliya ee 2020/21?

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan madaxda Soomaalida waxay ku heshiiyeen in marka kale dalka ay ka dhacdo doorasho dadban taasoo ka dhigan in ergooyiin la soo xulay ay dooran doonaan xildhibaannada barlamaanka.

Halkii kursiba, musharrixiinta ku tartameysa waxaa u codeyn doona 101 qof, waxayna ka dhigan tahay in tirada guud ee codeynaysa ay gaareyso 27,775 Ergo.

Doorashadii dhacday sannadkii 2016, waxa kursigiiba u codeeyay 51 ergo, waxayna tirada guud gaareysay 14,025 oo qof.

Tobannaan ka mid ah ergooyinkii codeeyay doorashadaas ayaa lagu dilay magaalooyin kala duwan afartii sanno ee la soo dhaafay, kuwa badan oo ka mid ahna wadanka way ka carareen, halka boqollaal kale ay markii dambe cafis weydiisteen ururka Al-Shabaab si ay uga nabad galaan ugana badbaadaan dil.

2019 kii, Al-Shabaab waxay dhowr goobood oo kala duwan oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku soo bandhigtay boqollaal qof oo ay ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin ergooyinkii iyo nabadoonnadii soo xulay ama ka qaybgalay doorashadii 2016-kii, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay ka tawbad keeneen fal gaalnimo ah oo ay ku dhaceen isla markaana ay balan qaadeen inaanay dib ugu laaban doonin doorasho kale.

Damaanadda dhanka amniga ergada

Dad badan ayaa is weydiinaya cidda damaanad qaadaysa amniga ergooyinka wax dooran doona iyo nabadoonnada ergooyinka soo xuli doona ee doorashada hadda la filayo, kuwaas oo tiro ahaan ka badan kuwii 2016.

Nabadoon Maxamad Xasan Xaad oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ayaa rumeysan in la dayacay amniga ergooyinkii wax doortay sannadkii 2016-kii, taas oo ay ahayd in dawladdu masuuliyad gaar ah iska saarto.

“Horta in ILAAHAY qadaro dhimashada iyo nolosha labadaba marka laga reebo, wax dadaala oo aan isleeyahay dawladda way u diyaarsan yihiin ama ergooyinka laftigooda oo horey uga fikireen ma jirto, marka dadkaas waxan ku aqaana si hawtul hamag ah ay Meesha ku tagaan.

“Ka dib markay xildhibaannada doortaan dee culeyskeedey leedahayo, markiiba waxay la kulmaan werwer iyo cabsi iyo wax aan la xisaabi karin oo amaan darro ah,” Ayuu yiri nabadoon Xaad.

Balse booliska Soomaaliya oo u xil saaran amniga guud ee doorashooyinka ayaa ku adkeysanaya in ay diyaar u yihiin inay ilaaiyaan amniga cid kasta oo ku lug yeelan doonta doorashada soo socota.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sidiiq Aden Cali, ayaa sheegay in uu socdo qorshe ballaaran oo dhinaca amniga ah oo ku aadan doorashada iyo dadka ka qaybgalaya.

“Hadda waxan wadnaa qorshe, kulama wadaagi karo qorshuhu siduu wada yahay, wajiyadiisa iyo sida hannaankiisu wada noqonayo, laakiin waxan kuu sheegi karaa in amniga qorshihiisa uu meel fiican marayo.”

“Waa waajib in umadda Soomaaliyeed ogaadaan in doorashada nagu soo socota kaliya aan dareenka la siin iyo siyaasadda ee mid ka weyn la saaro amniga, marka waxan kuu sheegi karaa in qorshuhu meel fiican marayo aana rajaynayo sida ugu haboon in doorashooyinka u dhacaan dhanka amaanka,” ayuu yiri Gaashaanle Sidiiq.

Khubarada amniga ayaa rumeysan in casharo muhim ah laga baran karay wixii qabsaday ergooyinka ee lahaa dilka handaada iyo caga jugleynta ee uga imaanaysay Al-Shabaab.

Xuseen Macalin oo ah agaasimaha machadka Hiraal ee ka faalooda arrimaha amniga ayaa sheegay in casharada laga baran karay wixii dhacay ay ka mid ahaayeen inaan lagu laaban isla doorashadii 2016.

“Casharada laga baran karay waxay ahaayeen in doorasho aan noocan ahayn oo tirada intaan ka badan, oo aysan Al-Shabaab u suuragali karin in ay shakhsiyaad ay xogtooda ku kala fahmi karaan ama ku bartilmaameedsan karaan, in laga badiyo oo waxay ahayd in laga dhigo hal qof iyo hal cod – tii aan saxda ahayn mid u dhawdhaw – nasiib daro fursadihii iyo wixii la hayayba waxay ku soo gabagabeen in doorasho tii 2016-kii u eg lagu soo celiyo.

Hay’adaha amniga ayaa aaminsan in qaladaadkii dhacay wax laga bartay isla markaana qorshayaasha la dajiyay lagu saleeyay wixii horey loo bartay.

Isha: BBC