Sheekada dhex martay Prof. Yaxye Caamir iyo dil suge ku jira xabsi Mareykan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Yahxe Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa qeyla dhaan kasoo saaray muwaadin Soomaaliyeed oo si aan sharciga waafaqsaneyn dil loogu xukumay dalka Mareykanka, kaasoo lagu soo eedeeyay inuu caawinayay burcad badeed Soomaaliyeed.

Prof. Yaxye wuxuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku muujiyay in qof walba oo Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadato sii deynta muwaadinkaasi Soomaaliyeed, wuxuuna qoraalka u ghignaa sidaan:.

Akhristoow, Ma Ogtahay in Walaalkaa ku Xakuman yahay Xabsi Daa’im? Akhristoow waxaan kaa codsanayaa in aad ka qeeyb qaadato sii deeyntiisa. Fadlan wada Akhri Qoraalkaan, si aad Go’aan u gaarto.

Anniga oo marayo Xamar weyne ayaa Telephone ii soo dhacay, codkii ayaa ka go’ay, Usbuuc kadib ayaa isla Numbarkii oo Amerika ah la iga soo wacay. Ma ogi sida uu Number keyga ku helay. Waa Nin Somali ah oo ku jiro Xabsi ku yaal Mareykanka oo lagu xakumay Xabsi daa’im. waxa uu igu yiri: waxaan xiranahay 10 Sanno iyo 7 Billood, waxaan rabaa in aad cafis ii weydiisto.

Waxa uu igu yiri: waxa la iga qabtay Xeebaha Galmudug Anniga iyo Saaxiibadeey oo kaluumeysaneyno, Doonteena waa laga waayay wax Hub ah waxaa na lagu yiri: Shidaalkaan ayaad u wadaan Burcad badeed, waxaa nala keenay Mareykanka waxaana nalagu xakumay Xabsi daa’im. Ma qabsan Karin Qareen, mana aqaanin Luqadda.

kadibna Waxaan u sheegay Maxbuuska in aan Dadaalayo intii tabarteeyda ah, umana shaqeeyo Dowlada ama Urur Caalamiya oo wax ka qaban karo. Waan ogahay Xaqa uu Maxbuusku u leeyahay in uu arki karo qaraabadiisa sida ku cad Xuquuqul insaanka, “Human Rights”. Maxbuuskan Somaliga ah, hal mar ayaa Usbuucii loo ogolyahay in uu Dadka la hadli karo, iyada oo weliba isaga la dhageeysanayo, Qofna Dibadda kama soo wici karo in uu isagu Waco maahine.

Waxaan weydiiyay Maxbuuska File Numbarkisa Xabsiga, waxa uu ii sheegay in uu yaqaan Xabsiga magaciisa oo kaliya laakin uuna aqoon File Numbarkiisa, kadibna waxaan ku dadaalay in aan raadiyo File Numbarkiisa, waxaan ogaaday Macluumaadkaan:(Name: Abdi Mohamed Gure Wardhere,.…Register Number.75675-083,…Age: 37…Sex: Male,…Release Date: LIFE, …Location At: FCI McDowell- west Virginia ). Oo ah Xabsiga uu ku xiran yahay.

Waxaan ogaaday in uuna leheyn ( Parole Date) oo ah marka Qofka Xabsi daa’im lagu xakumo , Haddii Qaaligu uu Xukunka ku qoro “Parole Date”, waxa uu cafis weydiisan karaa 10-12 Sanno kadib, haddii mudadaa uuna Xabsiga dhaxdiisa ku galin Dambi, Akhlaaqdiisuna ey wanaagsaneyd. Waxaa suura gal ah in la cafiyo. Laakin haddii uuna Go’aanka ku qorin Xaakimku “Parole date” ,rajo male waa in uu Cumrigiisa ku dhameeysto Xabsiga. Walaalkeen, Cabdina looguma qorin file-ka “Parole Date”. Laakin waxa uu ku soo badbaadi karaan isaga iyo Saaxiibadii in loo soo wareejiyo Xabsiyada Somaliya si ey qaraabadooda u arkaan taa oo ah mid fudud, mana ahan waddada loo marayo mid adag. Waxaa loo mari karaa “U.S. Department of Justice (DOJ)”ama la xiriir International Prisoner Transfer Unit (IPTU) at the Department of Justice , Cinwaanka: Paula A. Wolff, Associate Director…..International Prisoner Transfer Unit….Office of International Affairs….Criminal Division….U.S. Department of Justice….1301 New York Avenue, NW….Washington, DC 20530….. Telephone: (202)514-3173 Fax: (202)514-9003.

Waxaana kuu fasaxyo heshiiskaa, BOP :Treaty Transfers oo ku cad American public Law 95-144 (18 USC 4100 et seq.) sharcigaa IPTP The International Prisoner Transfer Program oo Congress-ku ogolaaday 1977.

Shurrudda Maxbuuska lagu soo deyn karo ayaa ah: in uu jiro Heshiiska Labada Dal, waa in aan Xaalad Dagaal Ciidan aan lagu soo qaban, waa in aan Dil lagu xakumin, waa in uuna Dambi Siyaasad u xirneeyn. Shuruudahaana waa buuxiyeen Walaalaheen. Wadamada la galay Mareykanka heshiiskaan oo kale waxaa ka mid ah. Bolivia, Canada, France, Hong Kong, Mexico, panama, Peru, Thailand, Turkey iyo in ka badan 70 Dal oo kale.

( Xabsiyada Mareykanka qaarkood , Dowladu male, waa private , Qof ayaa Xabsi dhisanayo, Shaqaale iyo Maamul ayuu u sameysanayaa, Dowladuna waa ka kireysanee, Qofkaasi waxa uu rabaa in Maxaabiis badan la keeno Xabsigiisa, weliba kuwa Xabsi daa’imka ah si uu ugu xisaabtamo dhakhligiisa Joogtada ah, illaa Maxbuusku ka dhimanayo)

Anigu waa dareemi karaa Qof ku xiran wadan Ajnabi ah, kadib Markii Anniga oo Arrimo Caafimaad u joogo Hindia aan la kulmay Maxaabiistii lagu eedeeyay Burcad badeeda oo ku xirnaa Magaalada Mumbai ee Dalka Hindia, Maalintaa oo Maxkamad la saarayay iyaga oo Gacmaha ka katiineysan oo Gabdha Hindi ahi ey ku ilaalinayeen Qoriga Faalka ah, Aniga iyo Sarkaal ka socday Safaaradda Somalida ee Dalhi, Wiilkaa oo hadda ka ah Safiirka Dalka Indonesia noo joogo ,waxaa Dhageeysiga Makamadda kadib , Makhaayad banaanka ah ayaana kula kulanay Dacwa oogihii Hindiga ahaa oo laftiisu Dareemayay dhibaatada Heeysato Maxaabiista Somalida, wixii dadaala ee tabarteena ahaana waan sameynay.

Safaaradda Somalida ee Washington shaqadeedu ma ahan oo kaliya in ey Visa bixiso, Safaaradda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somalida ayaa laga rabaa in ey codsadaan in ey la saxiixdaan Mareykanka Heshiiska Maxabiis isku celinta. Madaxda Dowlad Gobaleedyada, Madaxda Baarlamaanadda, Xildhibaanadda iyo Ehelka Maxaabiista ayaan ka codsanayaa in ey culeys saaraan sidii heshiiskaa loo saxiixi lahaa. Adigana Akhristoow sidoo kale waan kaa codsanayaa in aad gacan ka geeysato wixii karaankaaga ah,una soo Duceyso. In ka badan 30 Somaliya oo aan heysan dhalashada Mareykanka ayaa halkaa ku xirin , Xaqna u leh in la soo celiyo.

Allaah hanoo Fududeeyo sidii aan Maxaabiistaa loogu soo celin laheyn Dalka Hooyo si ey ula kulmaan Qaraabadooda.

FG: waxaan u mahadcelinayaa Mr. Mohamed Dudishe oo Howlaha qaar gacan iga siiyay.

Qore: Yahya Amir