Yaa sugaya amniga goobaha lagu qabanayo doorashada labada aqal ee K/Galbeed?

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo shalay dib ugu laabtay Baydhabo ayaa ka hadlay diyaar garowga howlaha doorashada xildhibaanada labada Aqal ee lagu qabanayo deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay si weyn u adkeyn doonaan amniga labada Goobood ee ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe, xili uu si dar-dar leh u socdaan howlaha doorashada dalka.

Laftagareen ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisi uu si buuxda ugu diyaar garoobay doorashada uu galayo dalka, islamarkaana ay deegaanadooda ka qaban doonaan doorasho xur iyo xalaal ah oo wada-ogol ah.

Hadalka madaxweynaha HirShabelle ayaa imanaya xili dhawaan la filayo in dalka ka qabsoomto doorasho, taasi oo uu dalka u jiheeyay heshiiskii doorashada ee 27-kii bishii hore lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Amaanka doorashada la filayo inay ka qabsoomto dalka ayaa waxaa amaankeeda iska kaashan doona ciidamada AMISOM iyo kuwa booliska Soomaaliyeed.