Jeneraal Xuud oo war kasoo saaray arrin laga faafiyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan, Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay kulan la sheegay inuu xalay dhex-maray isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka HirShabelle.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in uusan jirin kulan siyaasadeed oo dhex-maray asaga iyo Yuusuf Dabageed, balse ay ku kulmeen munaasabad ay iskugu timid beeshoodu.

Waxa uu xusay in markii ay isku arkeen Dabageed munaasabadaas, keliya ay isdhaafsadeen hadal kooban, ayaga oo aan marnaba ka hadal arrimo siyaasadeed iyo xiisada ka taagan Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay.

“Dabageed wey jirtaa xalay inaan kulanay ee ma jirin wax kulan gaar ah oo ina dhex-maray anniga iyo isaga ee waxaan ku kulanay kulan qaraabeysi ah oo beesha u dhaxeeyay,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa igu soo hadal qaaday in dadku naceen ana waxaan ku iri dadkada dhinac kasoo raac kuma necbe”.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Yuusuf Dabageed oo ku aadan kulanka la sheegay iyo qaabka uu uga warbixiyey Jeneraal Xuud, hase yeeshe waxaa si weyn loogu baahiyay kulankaas baraha bulshada, ayada oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxay ka wada-hadleen labada mas’uu.