Daawo: Beelaha Banaadiriga oo ka digay qorshe socda oo lagu boobayo kuraastooda

Muqdisho (Caasimada Online – Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa shirweyne ay maanta ku qabsatay Magaaladda Muqdisho ee Gobalka Banaadir si weyn ugu cambaareysay shaqsiyaad ay sheegtay inay isku dayayaan inay boob ku qaataan kuraasta ay Qowmiyadda Banaadiriga ku leedahay matalaadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirweynaha oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha bulshada ayna ka hadleen Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiinka, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo waxgaradka kale ee Qowmiyadda Banaadiriga ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey Wasiirka Badroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo ninka ay isku heyb yihiin oo lagu magacaabo Cabdullaahi Shiiqeey Baa-Xasan.

Qowmiyadda Banaadiriga ayaa ku eedeysay Wasiirka Badroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed inuu sanadkii 2016 uu Qowmiyadda Banaadiriga ka qaatay kursi Baarlamaanka oo ka mid ahaa lixdii kursi ee ay Banaadiriga ku lahaayeen golaha shacabka, kadibna uu gaystay magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed, kadibna u uku fariistay.

Waxay intaas ku dareen in wasiirka uu mar labaad isku dayayo inuu kursi labaad ka dhaco Qowmiyadda Banaadiriga, si uu ugu fadhiisiyo nin qaabilsan dhanka dallaalida shidaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiiqey Baa-Xasan, kaas oo wasiirka ay isku jufo yihiin, sida ay hadalka u dhigeen.

Shirka waxaa si weyn la isula gartay in dhammaan tallaabooyinka uu wasiirka qaadayo iyo ninka ay isku beesha yihiin ee Baa xasan ah in ay yihiin Xadgubyo ka dhan ah xaquuqda bani’aadamnimo ee Beelaha Banaadiriga, Xaqa matalaadda ee qowmiyadda dulman ee Banaadiriga iyo ku tumasho dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya ee beelaha Soomaaliyeed siinayey matalaado ay ku heleen hab dib u heshiisiin ah, taas oo beel walba lagu xushmeynayey, balse Banaadiri kuraasteeda lagu hayo boob iyo dhac ay u geysanayaa shaqsiyaad adeegsanaya awoodda dowladda.

“Waayahan danbe Qowmiyadda Banaadiriga waxaa lagu hayey farogalin aad u baaxad weyn oo isugu jirta dhan deegaan iyo dhan siyaasadeedba, taas oo ay geysanayaan shaqsiyaad iyo beelo boob ku sameynaya kuraasteena matalaadda. Waxaa jira shaqsiyaad dhibaato nagu hayo oo haddana sheeganaya in ay Ra’iisal Wasaarahaba iyaga ay keensadeen, bulshadana ay boobi karaan oo aan cidna wax ka qaadeyn, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee arrinta maanta aan u fadhinno ay xafiiskiisa quseyso inuu wax ka qabto shaqsiyaadka dhibaatada nagu haya ee adeegsanaya awoodda xafiiskiisa,” waxaa sidaas yiri Guddoomiyaha Dhalinyarada Banaadiriga Luqmaan Cali Macow oo shirka ka hadlay

Sidoo kale Nanaddoon Kamaal Xaaji Maki ayaa yiri “Awalba Banaadiri waxay lahaayeen 6 kursi kaliya, lixdiina mid ayaa horey loo dhacay oo Baydhabo la geeyey, haddii haddana mid kale na laga dhaco waxaa soo baxaysa in aan weyno matalaad oo dhan, waxaana sidaa nalagu dhihi karaa banaadiri maba jirto, waana caddaalad darro”

“Maalin walba haddii uu yimaado nin siyaasi ah oo dantiisa fiirsanaya, uuna xaquuqdeena ku tunto waa dhibaato, anaga waxay nagu noqonee Karaamo darro. Ra’iisal wasaare wax ka qabo arrintan,” ayuu sii raaciyey.

Malaaq Muxudiin Xaaji Xuseen oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Banaadiriga kuwooda ugu da’da weyn oo shir weynaha ka hadlay ayaa sheegay in Banaadiri la dulmiyo mar walba, aysanna jirin dowlad wax ka qabata maaddaama ay qowmiyaddu yahay mid nabadeed.

Malaaqa ayaa waxaa uu yiri “Qowmiyadda Banaadiriga way dulman tahay, dulmigaasna waa loo wada jeedaa, haddana cid wax ka qabaneyso ma jirto. Hase yeeshee dulmigaasi kama aamuseyno, waan ka qaylineynaa, waan ka gilgilaneynaa, waana ka qaylineynaa inta tabarteena ah.”

Marwo Fowsiyo Malaaq oo iyada ku hadashay codka haweenka Banaadiriga ayaa waxaa ay tusaale siisay Ra’iisal Wasaare Rooble, iyada oo canbaareysay shaqsiyaadka u duuban ku tumshada xaquuqda Banaadiriga, isla markaasna baaq u dirtay Ra’iisal wasaaraha inuu wax ka qabto kooxda boobka ku heysa Banaadiriga.

Fowsiyo Malaaq ayaa tiri “Ra’iisal Wasaare waxa maanta kula hadlayaa waa dhammaan qowmiyadda Banaadiriga oo ay u dhan yihiin Culumaa’udiinkooda, Dhaqankooda, Aqoon yahankooda, siyaasiintooda, Dhallinyaradooda, haweenkooda iyo waxgaradkooda. Waxaan cod dheer iyo cod gaaban kugu leenahay naga dhici kooxda qowleysatada ah ee xaqeena boobeysa, xaqeena inooga dhici. Ra’iisal Wasaare, waxaan rabnaa caddaaladda in aad fiiriso, reer Banaadir way dulman yihiin, waxaan kaa codsaneynaa in aad xaqooda u soo dhiciso.”

Aqoonyahan Muscab Maxamed Axmed oo ku hadlayey codka aqoonyahanadda Banaadiriga ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la iska difaaco dulmiga ay shaqsiyaadkan ku sameynayaan Qowmiyadda Banaadiriga, isaga oo sheegay in ay marar badan cabasho ka gudbiyeen balse aan waxba laga qaban.

“Horey waxaan u dirnay farriin ah in dhammaan talada Banaadiriga looga danbeeyo oo loo maro odayaasha dhaqanka ee hormuud ah, farriinteenaas jawaab lagama soo bixin, mar labaad odayaasha dhaqanka Banaadiriga waxay codsadeen in guddiga doorashada ee kuraasta Banaadiriga oo markoodii hore aan laga talo galin, balse hadda ay arrintooda mar kale taagan tahay in iyaga laga talo galiyo, illaa haddana looma jeedo wax ka soo jawaabay codsigaas, maantana waa baaqii seddaxaad, sidaas darteed, maaddaama aan u taagan nahay xaquuqdeena in aan u doodno waxaan ka codsaneynaa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in uu ina dhegeysto oo cabashadeena wax ka qabto.”

Ugu danbeyntii shirweynaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu arrinta soo farogaliyo, isla markaasna Ra’iisal Wasaarihiisa ku qanciyo inuu u caddaalad falo Qowmiyadda Banaadiriga.

Hoos ka daawo shirka