Yaa u diiday Cabdi Xaashi ka qeyb-galka shirka Afisyoone?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya, islamarkaana haatan ah guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran oo ay sameysteen Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa wareysi uu siiyey BBC kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socdo magaalada Muqdisho.

Cabdi Xaashi ayaa marka hore shaaca ka qaaday in loo diiday ka qeyb-galka shirka arrimaha doorashooyinka 2021-ka ee ka socda Teendhada Afisyoone, wuxuuna sheegay inay ka hor-istaageen dad uu ku tilmaamay inay shalay yimideen dalka, islamarkaana aan waxba kala socon meesha laga yimid & halka loo socdo.

“Maba la ii ogolee maxaan ka qeyb galaa shirka, aniga ma diiddaniye, Waxaan ahay siyaasi dalkaan ka soo shaqeynayay 30-kii sanno ee ay dhibaatadu ka jirtay una taagan midnamadiisa iyo nabadisa marka dad shalay yimid oo aan ogeyn xaalada iyo siyaasadda dalkaan ayaa aniga ii diiday inaan ka qeyb galo arrinta xalka dalkaan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dhismaha Madasha Badbaado Qaran iyo ujeedada loo aas aasay, wuxuuna tilmaamay in ay doonayaan kaliya sidii heshiis mideysan looga gaari lahaa is mari-waaga arrimaha doorashooyinka & is mari-waaga ka taagan.

“Waxaan rabnaa in Soomaaliya oo dhan heshiis la gaaro oo la isku yimaado, dhibaato iyo dagaal aniga xal uma arko.” ayuu sii raaciyey guddoomiye Cabdi Xaashi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo maalintii saddexaad uu galay shirka Afisyoone oo ay weli ka maqan yihiin madaxda Jubbaland & Puntland, kaas oo diirada lagu saaray sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.