Axmed Madoobe oo xil ka qaadis ku sameeyey Janan

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey xil ka qaadista lagu sameeyey Janan oo ciidamo ku heyso duleedka Beledxaawo.

“MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Digreetada xilka qaadista ee uu soo saaray madaxweynaha Jubbaland laguma caddeyn sababta xilka looga qaaday wasiir Janan oo ka mid ahaa wasiirada u dhowaa A/Madoobe.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, saacado uu kadib markii uu soo shaac-baxay wada-hadal u socda dowladda dhexe iyo Janan, iyada oo wakiilo ka kala socda labada dhinac ay yeesheen kulamo lagu heshiisiinayo dowladda federaalka iyo Cabdirashiid Janan.

Si kastaba tallaabadan ayaa uga sii dareyso khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka, iyadoona Axmed Madoobe uu weyn doono guud ahaan gobolka Gedo, haddii uu si rasmi ah Janan ula heshiiyo dowladda, una soo wareego dhankeeda.