Norway oo qoraal culus soo saartay: DF waa inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa qoraalkii ugu adkaa kasoo saartay khilaafka doorashada Soomaaliya, ayada oo si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg deg u wareejiso.

“Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalak Norway.

Dowladda Norway waxay sheegtay in waddo guul leh oo horey loo qaado ay u baahan tahay hoggaamiyeyaal dhiiranaan leh oo raadi tanaasul. 

Qoraalka kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho ee lasoo dhigay twitter-ka, ayaa ah kii adkaa ee mid ka mid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, xilli inta badan dalalka kale ee Reer Galbeedka lagu eedeynayey inaysan runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale sii cusleynaya in Norway ay tahay dalalka ugu badan ee lacagta ku bixiya Soomaaliya, islamarkaana taageera dowladda federaalka.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada la la’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay sheegeen inay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto.