Waare: Farmaajo wuxuu nolol u ogol yahay hal cid kaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si dhab ka hadal ah uga hadlay arrimaha ka taagan dalka, wuxuuna walwal ka muujiyay meesha dalka loo wado xilli uu wareysi siinayay barnaamijka Hanoolaato.

Waare ayaa sheegay in madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan rabin Federaal, taasina ay tahay mid uusan qarsan, wuxuuna ku eedeeyay iney kaliya doonayaan dad siyaasadooda taageersan iney kaliya noolaato.

“Dowladda ma qariyaan waxey rabaan, ma rabaan system-ka Federaalka,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo la hadlayay wariye Ayaanle Xuseen Cabdi iyo barnaamijka Hanoolaato.

Madaxweynahii hore wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ee ay dooneyso iney dalka ku maamusho sida kacaankii iyo kaligii talisnimo, isagoo daliil usoo qaatay ineysan marnaba raali ka aheyn cid aan ayaga aheyn iney taliso, mana rabaan in xal laga gaaro doorasho iyo wax la mid ah.

“Wadada aan qaadeyno ma tahay mid sharci ah, hadii aad xisbigaan ka tirsan tahay kaliya ayaad noolaaneysaa, hadii kalana noolaan meysid,” ayuu yiri Waare, oo sheegay in cidda kaliya ee Farmaajo wax u ogol yahay tahay kuwa isaga raacsan.

Dhanka kale isagoo ka hadlayay is mari-waaga ka taagan shirka arrimaha doorashada oo hal dhinac kaliya maalintii labaad Muqdisho uga socdo wuxuu sheegay in hadii la heshiin waayo ay beesha caalamka talin doonto.

“Hadii shirka socda guuleysan waayo, xalna laga gaari waayo, warkeyga meel ku qoro Soomaalida talo dambe dib loo weydiin maayo, hadii aad is leedahay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe wey iska laabanayaan, Farmaajana waa joogayaa, riyo ayaad ku jirtaa, hadii aan tashan weyno, waa naloo talinayaa” ayuu yiri Waare.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO BARNAAMIJKA: