Xog: 10 qof oo dil wadareed loogu geystay gobolka Gedo 

Luuq (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen odayaasha deegaanka, ciidanka ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Isniintii toogasho ku dilay ugu yaraan 10 qof oo ah dad xoolo dhaqato iyo reer guuraa ah.

Dadka la dilay ayaa laga soo kaxeeyay degaan lagu magacaabo Fadhi-weyne oo ka tirsan degmada Rabdhuurre ee gobalka Bakool, waxaana lagu dilay degaanka Garayaale oo ka tirsan degmada Luuq ee gobalka Gedo. 

Lama oga sababta dadkaan loo dilay, hase waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidanka New Police ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya sheegeen in ay degaanada xuduudda ah ka sameynayaan hub ka dhigis dadka maleeshiyaadka ah. 

Ciidanka dil wadareedka geestay ayaa la sheegay in ay kaxeysteen dad ka badan 20 qof, kuwaas oo hada ku xiran tuulo ku taalo xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana lagu soo warramayaa in qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus. 

Odayaasha degaanka ayaa dowladda Soomaaliya, maamulada Koonfur Galbeed iyo Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ka dalbaday in arrintaan si deg deg ah wax looga qabto. 

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed iyo kan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidanka New Police ayaa muddooyinkaan kordhiyay dhibaatooyinka ay ka geysanayaan degaanada Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.