Askar ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas bartilmaameedsaday askar Boolis ah oo ilaalo ka heysay isgoyska Siinaay.

Wararka ayaa sheegay in ragga hubeysan oo goobta isaga baxsaday ay dileen ugu yaraan 2 askari, ayna dhaawaceen mid kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableyda weerarka fulisay ay horey u sii qaateen qoryaha ay wateen askarta ay toogashada ku dileen.

Goor dambe waxaa sidoo kale meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal qorsheysan, weeraro & qaraxyo geystay khasaare kala duwan.