Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Mandheera

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya ismaamulka Mandheera ayaa sheegaya in qarax nooca loo yaqaano miinada ee dhulka lagu aaso uu ka dhacay tuulada Koromey ee ismaamulkaas, kaasi oo la kacay Gaari Bas ah oo rakaab badan siday.

Gaariga uu qaraxu haleelay ayaa ugu horeyntii rakaab badan ka qaaday deegaanka Lafey, wuxuuna ku wajahnaa magaalada Mandheera, sida ay sheegen laamaha amaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa haleelay gaariga baska ah ay ku geeriyoodeen labo qof, halka ay ku dhawaacmeen 10 qof oo kale oo kamid aheyd rakaabkii saarna gaarigaas.

Rono Bunei, Taliyaha Booliska ee ismaamulka Mandhera oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadkii ku dhaawacmay qaraxan miino la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Mandheera si xaaladooda caafimaad usoo kabato.

Sidoo kale waxa uu xusay inay baaritaan ku bilaabeen dhacdadan, ayada oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn cida ka dambeysa, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyada qaraxaas oo aheyd miino dhulka lagu aasay.

Qaraxyada noocan ah ayaa inta badan waxa fuliya kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo marar dhowr ah qaraxyo miino ka fuliyey deegaano hoosta gobolka waqooyi bari.