Xoghayaha guud ee QM oo farriin culus u diray Farmaajo iyo madax goboleedyada

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa sheegay inuu si qoto dheer uga walaacsan yahay is-mari waaga siyaasadeed ee ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya.

“Is-mari waagan waxa uu halis muuqata ku yahay xasilloonida dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, oo markii horeba wajahayey xaalado bani’aadannimo iyo kuwa amni oo halis badan,” ayuu António Guterres ku yiri qoraal uu soo saaray. 

Guterres ayaa ku booriyey hoggaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay deg deg wada-hadallo u yeeshaan oo ay qabtaan shir madaxeedka la qorsheeyeey [ee Afisyoone] ayaga oo aan shuruudo ku xirin, si ay u xaliyaan khilaafkooda ku aadan hananaka doorashada una gaaraan heshiis horey loogu dhaqaaqo.

Waxa uu sheegay inuu soo dhoweynayo sida ay hoggaamiyayaasha Soomaalida uga go’an tahay hanaanka doorasho ee September 17, wuxuuna ugu baaqay inay deg deg isugu raacaan fulintiisa, iyo qabashada doorasho ayada oo aan dib loo dhigin.  

Xoghayaha guud ayaa mar kale ku celiyey in QM ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto nabadda, xasilloonida iyo baraaraha.