KENYA oo shaacisay inay laba todobaad kadib xireyso Dhadhaab iyo Kakuma

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay al-baabada isugu dhufaneyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalkaasi oo tan iyo burburkii kadib ay daganaayeen boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah.

Kenya ayaa qoraal xasaasi ah oo ay soo saartay u dirtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNHCR, si ay labo todobaad gudahood ugu xirto xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma oo ka mid ah xeryaha qaxootiga adduunka ugu weyn.

Warqadda kasoo baxday dowladda Kenya ayaa waxaa wakiilka hay’adda UNHCR u fadhiya Nairobi u gudbiyey wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Fred Matiang, kaas oo la socod-siiyey go’aanka ay dowladdiisu ku xireyso gabi ahaan xeryahaasi qaxootiga ah.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay inay go’aankeeda u cuskaneyso walaaca ay ka muujisay khataraha weeraro laga soo abaabulo halkaasi oo Al-shabab ay ka fuliyaan dalkeeda.

Kenya ayaa wacad ku martay haddii labo todobaad ay dib uga dhacdo UNHCR, iyadoo aan wax tallaabo ah qaadin ay qaxootigaasi dib ugu celin doonto dalalkooda.

Dhadhaab iyo Kaakuma ayaa waxaa haatan ku nool in ka badan illaa 500,000 oo qoys oo qaxooti Soomaaliyeed ay ku jiraan, kuwaas oo laga cabsi qabo inay hoy la’aan  noqdaan, haddii aysan wax tallaabo ah qaadin ha’yadda QM ee qaxootiga UNCHR.

Si kastaba go’aanka ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee dalkaasi ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan uusan wanaagsaneyn xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.