26 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

YAAB: DF oo isu heysata sida NGO iyo madax samafalayal oo kale u shaqeeya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, lagana baxay kumeelgaarka waxaa dalka hogaankiisa qabtay mas’uuliyiin u badan xirfadlayaal kasoo shaqeeyay hay’ado gaar loo leeyahay iyo kuwa aan dowliga ahayn ee loo yaqaan NGO-yada, taasina waxay saameyn ku yeelatay inta ay xilalka dowladeed hayeen inay u dhaqmaan sida shaqsiyaad caadi ah ama ka tirsan ururada samafalka.

Waxaad arkeysaa madaxweyne dhan oo baaq diraya kuna baaqaya sida:

= In la joojiyo dagaal socda

= In loo gurmado dad dhibaateysan

= Iyo inuu cudurdaar u raadiyo markii la fashilmo

Dhaqanka dowladnimo wuxuu ahaa:

=Inuu amar ku bixiyo in la joojiyo haddii colaad dhacdo, ciidamana u diro meesha dhibtu ka jirto.

=Inuu faro hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh inay gargaar degdeg ah la gaaraan meelaha dhibaatada ka jirto iyo dadka dhibaateysan.

= Iyo inuu tallaabo ka qaado haddii ay dhacdo in fashil yimaado, lana arko in lala xisaabtamo mas’uulkii howshii loo igmaday dayaca.

Waa sax in tabardarri ka jirto hay’adaha fulinta ee dowladda iyo ciidamada, laakiin waxaan shaki ku jirin in awoodda dowladda iyo hantida ay leedahay aan looga faa’iideysan sidii ay ahayd, la iskana iloobay in waajibka ugu weyn ee umadda saaran yahay kuwa xilka u qaaday ee magacyada waaweyn sita min madaxweyne ilaa agaasime.

Waxaan ula jeedaa xukuumadda cusub ee dhowaan xilka la wareegtay, waxay durba ku socotaa dariiqii NGO-yada oo kal . Wasiirka arrimaha gudaha ee cusub Md. C/raxmaan Odowaa ayaa ka hadlay xafladii uu xilka kula wareegay wuxuuna ku baaqay in:

= Gargaar lala gaaro dadka ku barakacay dagaaladii Guriceel

= Iyo in loo gurmado dadkaasi dhibaateysan.

Inkastoo wasiirku dadka gurmadka laga rabo ku daray dowladda Federaalka ee uu wasiirka ka yahay, haddana waxaa dhamaan mas’uuliyiinta dowladda laga rabaa inay gartaan waajibaadkooda iyo inuu Alle kula xisaabtamayo dadka ay mas’uuliyadda u qaadeen una dhaarteen inay u cadaalad falayaan.

Aan sii iftiimiyo inta aan beel caalam iyo hay’ado samafal loo yeerin, waxaa dowladda looga fadhiyaa inay wixii ay awoodo ka qabato dhibaatooyinka dalka ka jira. Wasiirka Arrimaha Gudaha cusub iyo kuwa kale ee la midka ah wuxuu marinkoodu yahay inay:

= Shir degdega ka yeesheen wixii dhibaato ah ee dalka ka jira

= Wixii dowladda gacanta ugu jiro, marka hore la gaarsiiyo meesha dhibtu ka jirto

= Gurmadka dowladda iyo waxqabadkeedu ahaadaan kan ugu horeeya ee umaddu aragto

= Kadibna intii aan looga maarmin loo baaqo

Waxaa cad in dowladda aanay gacmo marneyn, inay jiraan hay’ado gacanta ku haya raashin iyo daawo laga yaabo in meelaha qaarkood dalka siiba Koonfurta Soomaaliya loogu dhimanayo, sidaasoo ay tahayna baaq ayaa maalim kasta ka maqalnaa madaxdeena, laga yaabee inuu afkoodu bartay ama aanayba ogeyn waajibka laga sugayo.

Inta aan la’nahay mas’uuliyiin isku tashata iyo dowlad hoos u eegta dadkeeda oo lagu mashquulsan yahay hanti tacbasho iyo safarro lagu bixiyo kharashaad lagu badbaadin lahaa nolol dad Soomaaliyeed, waxaan ku sii jireynaa dowlad u dhaqmeysa sida NGO iyo madax samafaleyaal isu heysta.

Isha: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News