YARIISOW oo jawaab kulul siiyey xildhibaan Joodax

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeeray xildhibaan Warsame Joodax.

Joodax, ayaa ku eedeeyay Eng Yariisow inuu ku fashilmay wax badan oo ku saabsan gobolka Banaadir, gaar ahaan xaqiijinta amaanka, waxaase saacado kadib jawaab adag ka bixiyay Eng Yariisow.

Eng Yariisow ayaa ku eedeeyay Warsame Joodax in hadalka eedeynta ah uu ka keenay  dhul danguud ah oo uu xoog ku heystay oo laga qaaday, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Eng Yariisow ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baraha bulshada kusoo daabacayay eedeymaha iyo jawaabaha uu siinayo madaxda dowladda iyo shaqsiyaadka kale, walow uu saacado kadib raali gelin ka bixiyo, taasi oo la micno ah inuusan ka fiirsan eedeymaha uu kusoo daabacayo baraheeda Bulshada.

Xildhibaan Joodax, ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho lagu xaqiijin karo in laamaha amaanka iyo madaxda gobolka Banaadir si hoose uga wada shaqeeyaan amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com