Howlihii garoonka Aadan Cadde oo caadi ku soo laabtay iyo dab ka kacay…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa caadi ku soo laabtay howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo dib u bilowdeen duulimaadyadii diyaaradaha oo muddo labo saac hakad ku jireen, kaddib markii qeyb ka mid ah garoonka uu dab ka kacay.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Garoonka ayaa sheegaya in howlihii garoonka uu dib u bilowday, kaddib markii lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay maqaayada ku taalay qeybta duulimaadyada ee Terminalka weyn ee garoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dabka uu sababay cilad koronto oo ka dhalatay makiinadihii kushiinka oo aan xalay la damin, sidaasna uu dabka ku kacay.

Qeybta maqaayadda ayaa gebi ahaanba basbeeshay, waxaa dhamaan gubtay agabkii kushiinka yaallay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Garoonka diyaaradaha oo ku aadan dabka kacay iyo saacadaha ay hakad geliyeen duulimaadyada.

Inta badan diyaaradihii saaka imaan lahaa subax hore ayaa saacado dib u dhacay, waxaa goor dhow soo degay dhowr diyaaradood oo ay ka mid tahay diyaaradda Turkish Airlines.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com