AXMED Madoobe e oo loo diidan yahay in magaalada GARBAHAAREY uu tago

Muqdisho (Caasimada Online) – Diidmo xooggan ayaa lagala hor-yimid booqasho la qorsheynayo in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku tago magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Masuuliyiinta maamulka Gobolka Gedo ayaa kasoo horjeestayt safarka madaxweyne Axmed Madoobe uu doonayo dhawaan inuu ku tago degmada Garbahaareey, waxaana qaarkood ay sheegeen inuusan waxba u qaban magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Axmed Madoobe muddadii uu hayay xilka madaxweynaha Jubbaland uusan waxba u qaban magaalada, islamarkaana aysan habooneyn inuu hadda tago magaalada.

Wuxuu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn inuu tago magaalada Garbahaareey iyo deegaanada kale ee Gedo, maadaama waxqabadkiisa uu ku koobay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xubnaha kale ee maamulka ayaa qaarkood ku qanacsan in Axmed Madoobe uu safar ku tago gobolka Gedo, iyadoo banaanbaxyo qorsheysan ay ka dhaceen degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan banaanbaxyo kale oo la qorsheynayo inay ka dhacaan gobolka Gedo maalmaha so socdo, waxaana looga soo horjeedaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com