Dhageyso: “Hadii Yariisow uu gudan lahaa howshiisa, Xamar sidan ma ahaateen”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, marna xil ka soo qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir, xilli amniga magaalada uu faraha kasii baxayo.

Warsame Joodax ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow uu shaqooyinkii loo xil saaray iska hilmaamay, islamarkaana taasi ay dhalilsay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir laga doonayo in uu ka Shaqeeyo sidii uu isugu xiri lahaa laamaha kala duwan ee amniga, sida Booliska iyo Nabadsugida, si amniga magaalada loo sugo.

“Haddii sida ay tahay uu u shaqeyn lahaa maamulka Gobolka Banaadir, waxaan oo dhan naguma dhaceyn, balse waxaan rabnaa in aan maalin walba tacsi ku jirin, duqa Muqdishana uusan ku jeesan howlo siyaasadeed balse uu ka shaqeeyo horumarinta amniga” ayuu yiri Xildhibaan Warsame Joodax.

Hadalka Xildhibaan Warsame Joodax ayaa ku soo aadaya xilli maalin ka hor weerar ismiidaamin ku bilaawday lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho weerarkaas oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Ayada oo ay dhibaatooyinka oo idil ku dhacayaan shacabka Muqdisho, ayaa Yarisow waxa uu ka qeyb-galayaa shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasi oo wax faa’iido ah oo la taaban karo aysan ku jirin, marka laga reebo sawirro qurxoon oo la galo.

Hoos ka dhageyso Codka Xildhibaan Warsame Joodax

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com