Maxay tahay ujeedada uu C/Weli Gaas u magacaabay taliyaha xasilinta Garoowe?

Muqdisho (Caasimada online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliyaha ciidamada Xasilinta Magaalada Garowe ee caasimada Puntland, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in labo ujeedo uu ka damacsan yahay magacaabista taliyahaasi oo ah mid ku cusub ciidamada Puntland, sida ilo xog ogaal ah inoo sheegeen.

Ujeedada Koowaad ayaa ah in lagu xaqiijiyo amaanka magaalada Garowe oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay kusoo kordhayeen tuugada dhaca ka geysta xaafadaha magaalada Garowe, iyadoo mararka qaar ay magaalada ka dhacaan dilal qorsheysan.

Ujeedada labaad ayaa ah inuu kaga hortago dadka kasoo horjeeda qorshayaashiisa iyo banaanbaxyada ay sameynayaan dadka deegaanka xiliga doorashada, waxaana ciidamadan la sheegay inay dhawaan tababar gaar ah qaadan doonaan.

Maadaama dhawaan doorashooyin ay ka dhacayaan deegaanada Puntland, waxaana ciidamadaasi la damacsan yahay inay ka hortagaan wax walbaa oo qalalaaso keeni kara, sida xogta aan ku heleyno.

Ciidamada Xasilinta ayaa xaqiijin amaan ahaan kaga howlgalayay magaalada Muqdisho, waxaana ay lahaayeen tababar gaar ah oo ciidamada la siiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com