Yariisow oo soo jeediyey in la maxkamadeeyo xildhibaan ka tirsan BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka baraha bulshada ee u dhaxeeyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Injineer Yariisow iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale maanta kasii socday facebook.

Injineer Yariisow ayaa qoraal jawaab ah kasoo saaray qoraal uu Fiqi soo bandhigay oo uu ku sheegay inuu caddeymo u yahay “musuq-maasuq uu ku kacay maamulka gobolka Banaadir.

Yariisow ayaa ku jawaabay isaga oo sheegay inay ahayd in Fiqi maxkamad lasoo taago, isaga oo ku eedeeyey inuu dambiyo kala galay shacabka Soomaaliyeed.

“Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi danbigii uu shacabka ka galay oo aheyd in lagu maxkamadeeyo ayuu fowdo u joog noqday, ee haloo sheego in Caasimada Muqdisho aysan u baahneyn qaswade ku farxa qaraxyada argagaxisada” ayuu yiri Yariisow.

Qoraal labaad oo uu soo dhigay facebook ayuu sidoo kale ku yiri Yariisow “Dhalinyarada Soomaaliyeed waxey rabaan horumar oo ma rabaan Qaswade Ahmed Moallim Fiqi, oo ah Qarax ku farxe iyo dhibsade horumarka Caasimada Muqdisho”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com