Diyaar garowka shirka ka furmay Garoowe oo socda

Garowe (Caasimada online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyay uu ka socdo magaalada Garowe.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay hareeraha magaalada Garowe, halkaasi oo uu beri ka dhacayo shir ay yeelanayaan madaxda maamulada iyo dowladda Soomaaliya.

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay gaaraan qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda, halkaasi oo uu ka furmi doono Shirweyne looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa la xaqiijiyay inay maanta tagayaan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha ka socdo qaban qaabada soo dhaweyntooda.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ku casuumay magaalada Garowe, kadib markii shirar kala duwan ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka ka furmaya magaalaa Garowe maalinta beri ah ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal loga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka iyo tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa culees kala kulantay beesha caalamka, waxaana ugu dambeyn ay go’aan ku gaareen madaxda dowladda Soomaaliya inay shirkaasi ka qeyb galaan iyaga oo ka baqaya in isbaheysi cusub uu markale kusoo dhismo.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com