Yaxye Caamir: Suuganata ayuu bartay Nigel Roberts, Bankiga ma lagu heesaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aqoon yahan ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha ayaa si cajiib ah kaga hadlay arin maalmahaan aad loo hadal hayo oo ku aadan guddoomiyaha cusub ee loo qorsheynayo Bangiga Dhexe.

Prof Yaxye Sheikh Caamir, ayaa sheegay in Nigel Roberts oo ah shaqsiga loo wado Bangiga Dhexe inuu ku dhacayo qodobo dhowr ah oo kamid ah xeerarka Bangiga Dhexe iyo shuruucda dalka, kuwaasi oo hadda baarlamaanka la doonayo inay wax ka badalaan.

Wuxuu sheegay in ugu horeyn laga doonayo sharuudo ay kamid yihiin in qofka Bangiga dhexe loo dhiibayo inuusan aheyn ruux ajnabi ah, waxaana dhigaya sharciga 130 qeybtiisa Afaraad sida uu sheegay aqoonyahanka.

Prof Yaxye, wuxuu kasoo shaqeeyay Bangiga dhexe, isaga oo sheegay in sharuuda labaad ee ninkaasi u diideysa xilka inay tahay in laga doonayo in muddo 12 sanadood ah uu ka shaqeeyay Hay’ado Maxali ah ama kuwa dowladda.

Arinta Seddexaad ee xadideysa inuusan qaban Bangiga dhexe ayuu ku sheegay inay tahay inuu bartay waxyaabo dhaqaalaha la xiriira, wuxuuna sheegay in Nigel uu bartay suugaanta iyo dhaqanka UK, laakiin uu heysto cilmi kororsi aan badneyn oo la xiriira dhaqaalaha beeraha.

Prof Yaxye ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan ajnabiga ah kaliya uu noqon karo Lataliye Bangiga Dhexe ee Soomaaliya balse uusan qaban karin xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.

Wuxuu su’aalo ka keenay ujeedada madaxda dowladda Soomaaliya hadda ka leeyihiin in ruux ajnabi ah xilkaasi lo dhiibo, iyadoo ay joogaan aqoonyahano badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo shaqo la’aan dalka ku heyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com