Yey yihiin shaqsiyaadka uu sheegay CC Shakuur inay kasoo horreeyaan Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa dhowaan sheegay in Farmaajo isaga oo aan afka kala qaadin ay jiraan rag ka soo horeeya oo u doodayey intii uu socday shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee Afisyoone.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shakhsiyaadka kasoo horeeyo madaxweyne Farmaajo oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada ay u ku doodayaan islamarkaasna ay dhahayaan:

1- Looma baahna in laga hadlo muddo xileedka dhamaaday ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
2- Maxaa looga baahan yahay in looga hadlo weerarkii habeenkii iyo subixii 19 Febraayo dhacay.
3- Looma baahna in Midowga Murashaxiinta iyo Wakiilada Somaliland doodda ay qabaan laga dhagaysto.
4- Looma baahna in damaanad loo helo fulinta heshiiska.

Waxa uu yiri “Taasi waxay ka dhigan tahay in la galo doorasho uu Farmaajo murashaxiinta la tartamaysa weerari karo, xildhibaanka uu diidan yahay Baarlamaanka ka xiran karo, Madaxweyne Dawlad Goboleedna uusan Muqdisho si nabad ah murashaxii uu doono ugu ololayn karin. Waxaa nala kala dooransiinayaa Muddo kororsi mise doorasho qorayga caaradiisa ah.”

Caasimadda Online ayaa ogaatay in shaqsiyaadka uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegayo ay yihiin madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa la sheegay in si gaar ah uga diideen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay madaxweyne Farmaajo kala hadlaan wax khuseeya arrimaha Muqdisho, sida weerarkii 19-ka Febraayo, ayaga oo ku dooday inaysan matalin.

Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa u muuqda inay yihiin kuwa aad ugu dadaalayo inaan la qaadan shuruudaha ay Axmed Madoobe iyo Deni ku xireen ka qeybgalka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyagoo ku doodaya in ajandaha aan lagu soo darin wax ka baxsan heshiiskii horey loo gaaray ee 17-kii September 2020.

Wada-hadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka ee Muddo xileedkoodu dhammaaday iyo dowlad goboleedyada ayaa ah fursaddii ugu dambeysay oo ay uga xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan caqabadaha hortaagan.

Ma cadda, sida xaaladdu ku dambeyn doonto, hase yeeshee dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inaysan muuqan rajo, ayna arrintan ugu dambeyn ku dhammaan doonta faro-gelinta tooska ah ee beesha caalamka.