28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dhageyso: Boorsaani oo digniin u diray Farmaajo una sheegay in gobolka Banaadir….

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa fariin culus oo xambaarsan digniin u diray Madaxweynaha cusub ee dowladda Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

SHeekh Yuusuf Boorsaani oo ka hadlay isu soo bax lagu taageerayay Farmaajo ayaa Madaxweynaha cusub wuxuu ka dalbaday inuu caddeeyo maqaamka iyo xuquuqda madalaada sigaasiga ah ee Gobolka Banaadir oo uu sheegay in ay maqan tahay, wuxuuna intaa raaciyay in aysan ka daali doonin raadinta xuquuqda siyaasiga ah ee gobolka iyo shacabka Banaadir ay leeyihiin.

Madaale ayaa sheegay in aysan cidna marti ugu aheyn dalka, isla markaana dadka gobolka Banaadir aysan u dul qaadaneyn xuquuqdooda maqan, wuxuuna madaxda cusub ee dalka iyo baarlamaanka labada gole uu xusuusiyay in shacabka Banaadir dulqaadkii uu ka dhamaaday.

“Dalkeena cidna marti uguma nihin, gacan shisheeyana taagan ma doono, inagaa wax qabsan karno oo hore u socon doona, waxaan rabnaa inaan isku filnaano haddii Illaahey yiraahdo, waana isku filnaan karnaa waan tijaabinay” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News