Xog-warran: 10-kii qodob ee uu madaxweyne Xasan eersaday

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddadii 4 sanno ahayd hoggaankiisu dalka kolka loo eego kuwii ka horreeyay waxuu ahaa mid ugu yaraan ku mintiday ilaalinta dantiisa iyo xulufadiisa  illowse ku guuleysan waayay waxka badalka shaqsiyadiisa oo noqotay mid keentay guuldarrada ka raacday doorashadii dalka, madaxweyne Xasan waxuu ka nasiib wacnaa rag badan oo nasoo maray inta badan shacbiga Soomaaliyeedna waxay diyaar u ahaayeen la shaqayntiisa marka laga reebo qolooyin dar alle u dhibo wanaag iyo samaan kasta balse baylihinta dhacday waxay aanno ku tahay madaxweyne Xasan oo marka laga soo tago siyaabaha kale, isagu leeyahay mas’uulliyada ugu weyn ee keentay in maanta dadka Soomaaliyeed u dabbaal-daggaan dhicidiisa.

Madaxweyne Xasan waxuu iska indho-tiray bu’da iyo fufka saldanno toosan haynteed waxuuna si isdabo-joog ah u jabiyay xeer walba oo badhi-taara qofka martabadiisa oo kale gaadhay hadaba aan xuso qoddobada madaxwaynaheenii eersaday kana saartay saaxada siyaasada dalka keentayna inuu isacasilo iyadoon warreeg sedexaad dhicin waxaa ku soo koobi karaa kan

10- kan qodob ee hoos ku xusan .

1 – Abbaal marrinta iyo ilaalinta koox gooni ah isagoo tuuray dantii iyo maslaxadii guud.

Madaxweyne Xasan waxuu daacad u noqday intii u adeegtay kana qayb qaadatay doorashadiisa isagoo dayacay hawlahii loo igmaday ee dalkan, waxuuna ku guuleysan waayay inuu runta farta ka saaro kooxahii iyo dadkii ka qayb qaatay ololahiisii kuna wargaliyo in doorkoodii halkaa ku egyahay, geesinimo waa cagaha oo dhulka in door ah ku haysid, fudadaysi iyo wax kale ka ahaataba, u daacad noqoshada kooxo cayiman waxay  sababtay in uu lumiyo taageeradii dadweynaha, waana dabin u yaal qof walba oo kala saari waaya danaha kooxaha taageera iyo danaha dalka iyo dadka.

2 – Ku foognaanta cadgoosi siyaasadeed isagoo ku lumiyay isbahaysi siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan waxuu diirada saaray guulo aan macno weyn ku fadhiyin sida riddida wasiirka koowaad, naxuusinta iyo aamusinta golaha shacbiga, ka dabbo-shaqaynta maamul goboleedyada qaarkood iyo dhisida kuwa kale isagoo heli karay dhisida dal is-haysta siyaasad ahaan kuna dhisan iskaashi iyo tanaasul.madaxweyne Xasan kol kasta oo iskugu  hambalyeeyo  guul baad joogtaa waxay si fogeynaysay maslaxad guud ee dalka iyo dadka, himilada dalka  hiigsiga qaranka  iyo hirgalintiisaba   waxa shardi u ah dad israacsan oo kala  garqaata illowse madaxweyne Xasan hogaankiisii cidna isma raacsanayn cidnana kalama garqaadan jirin qof walbana waa ogaa in la isku qasbo mooyee in waxba ka dhaxayn isaga iyo intii ay isku isku calaamadaysnaayeen.

3 – Dayacida ciidamada iyo shaqaalaha dalka

Gafka aan ka soo waaqsiga lahayn ee madaxweyn Xasan kuma koobneyn inta ay is-hayaan waxuuse dhabarka u jeediyay haykalkii dawladnimo isagoo aan xil iska saarin sidii loo wadi lahaa hawlaha qaranka, ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ee dalka waxay mudan yahiin qiimeyn iyo tixgalin dheeraad ah mana habbooneyn in dhabarka loo jeediyo, waxay lahaayeen  abbaar iyo aarranba in gunnadooda iyo mushaharkooda miiska loo saaro

4 – dhag-u raaricinta guulwadayaaasha iyo naar –afuufka

Madaxweyne Xasan waxuu nacab u arkay inta sammaanta la dooneysay, waxuu ka doorbiday guulwadayaasha iyo kuwa aan badh ku soo kordhinayn, waxuu dhagaystay ammaan meel dheer ka timid isagoon hoos u dhugan dadka la nool ee uu madaxweynaha u yahay, guulwadayaashii madaxweynaha waxay ahaayen dad ihaanaysan   oo inta badan qalbi xun xinka iyo xumaantana u dheer tahay, intooda badan way ogaayeen in ay baar dheer leeyahiin oo aan cidna hollin karin taasoo keentay in boob, ammarku taagleyn iyo qooq wehel u noqdaan.

5 – Damac gurracan iyo doonis shaqsi ah

Waxay ahayd tii ugu darneyd in tuhun iyo taabashoba madaxweynaha loo tiriyo tuuganimo aan qarsi lahayn, ku tafri-fal hanti umadeed, madaxweynahii aan ku sharafnay xurmo waxuu isku badalay xoolo doon aan ganban oo maalin cad la carraaba waxii la lahaa, dhinaca kalena cuno ku dhagidda intaan la halmaalin oo uu gooni u faquuqo, cidna ma garan karto sababta uu madaxweyne Xasan ugu hibeyn jiray waxmatarayaal jeebkiisa ku jirta  maal iyo magac   intii kalana meel cidlo uga dhaqaaqay .

6 – La waalashada haybadii xafiiska  madaxweynaha.

Qofkasta oo cabbiri karay madaxweyne Xasan wayna u muuqatay in uu ku indho-darraandaray lana dhacay shacnigii iyo karaamadii xafiiska madaaxweynaha jamhuuriyada, waxayna u ekeyd inta badan mid uu ku raalligalinayay qabkiisa, waxuu illowsanaa in loo igmaday hawl iyo adeeg dadka Soomaaliyeed muhim u ah.

7 – Hiigsi aynan lahayn iyo raalli-galinta duul kale 

Madaxweyne Xasan waxuu ka baaqsaday in uu qotomiyo halbeeg cad isagana noqdo hormuudka fuliya taas oo keeni lahayd in qof walba kursigiisu qaado waayo dawladnimadu waxay gaartaa afarta jiho illowse biyo-dhaceedu waa madaxweynaha jamhuuriyada.

8 – Caydhinta naseexiisii iyo ku faraq-xirashada nacabka ummada

Nacabka ummada kaliya ma aha qolooyinka kor-joogtada ah waxaase lagu tilmaamaa koox kasta iyo qof kasta oo marrinhabaabin talo ku dhisan bixiya, sumcadu waa halbowlaha awoodda mar haduu libdho ama siibto inta badan waxaa ka dhasha natiijo aan la mahadin taasoo keenta in afarta jahaba warmo lagaaga soo gamo, madaxweyne Xasan meelna uma fiyoobeyn isna dan kama lahayn sumcadiisa taasoo lagu caddayn karo inuusan marna isku dayin leexinta shukaanta hogaankiisa.

9 – Isku dhiibida iyo isku halleynta awood dibbeda ah iyo ka jeedsashada xaalka gudaha.

Billicda dawladnimo waxa lama huraan u ah haykal dawli ah oo wada xidhiidhsan wada shaqayna sal u tahay, figta sare ee qarankana waxaa matal u ah madaxweynaha jamhuuriyada. madaxweyna Xasan  waxuu aad u dhagaystay kooxo danley ah oo isku xidhan una shaqaysta sida qawlaysatada oo gudaha ku xoogan, waxaana u soo raacay awoodda iyo baqdin galinta dawladaha dariska ah, waxuu iloobay in labadan qolo aysan dadka Soomaaliyeed waxba u dhiiban, qiimo iyo qadarin aysan lahayn buu siiyay isagoo iska indhotiray in dawrkoodu kaliya ku koobnaan karo talo keenid iwm aysan ku lahayn raacid iyo maqal warkooda iyo talooyinkooda, waxayna dhashay dabaysha aad aragtaan ee galaafatay xilkiisii.

10 – Iska indho-tirrida fahamka dhabta ah ee dalka.

Ilbaxnimo waayo arragnimo, maamuus, marhabayn, tanaasul iyo damqasho waa waxyaabaha ku xidha dadka hogaankooda iyadoon cidna qasbin, baqdin iyo xoogna aan ku iman waxayna lama huraan u tahay dawladnimada sidoo kale waa astaamaha waaweyn ee hogaan suuban lagu gaadho hadii la dantu tahay in laga gudbo qaybsanaan iyo mucaarad gudaha  ka dhasha, madaxweyne Xasan in qolo kale qasabto ama dantiisa gaadhka ah ka arko mooyee waligii iskuma dayin in xadhig adag u xidho dalka iyo dadkaba waliba waxuu caan ku ahaa  dabo-maryeyn, cadgoosasho, bahdilid, macangagnimo, labo-wajiilinimo, gooni socod iwm, dhaqanka noocaan ah meel kuma leh dawladnimada iyo hoggaankeeda, waana midda caawa  midhaheedii uu guranayo.

Maadaama dadka Soomaaliyeed doorteen madaxweyne kale ka hordhici mayno ha ahaatee isna maalinkiisa buu leeyahay isagana markiisa baynu miisaanka saari doonaa .

W/Q: Cabdulqaadir Maxamed Cilmi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com