Xog-warran: DF oo caqabad kala kulmeysa eryinta Jeneral Gabre

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Diblumaasiyiin shisheeye oo faragalin muuqata ku haya Siyaasada Somalia iyo dhammaan howlaha Siyaasiyiinta ay u hayaan Qaranka Somalia.

Diblumaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee sida aadka ah u xasuustaan Shacabka Soomaalida ayaa waxaa kamid ah Gen. Gabre oo Dowlada Ethiopia ugu magacaaban kala fogeynta Siyaasiyiinta Soomaalida ee isku soo dhawaan lahaa, waxa uuna ku faanaa in kalain mug leh uu ku dhex leeyahay Siyaasada Somalia tan iyo markii ay curatay Dowladii Marxuum C/llahi Yuusuf.

Gen. Gabre ayaa ku xidideystay Somalia waxa ayna taa dhalisay in Dowlada Ethiopia ay uga maarmi weyso sii wadita Faragalinta Siyaasada Somalia, kadib markii uu ka miro dhaliyay howlaha shaqo oo ay usoo wakiilatay Ethiopia.

Gabre ayaa garab Siyaasadeed ka heysta Siyaasiyiin dhowr ah oo horay xilal uga soo qabtay Dowladihii soo maray Somalia, haba ugu badnaatee Dowlada iminka looga itaal roonaaday Dowlada Somalia ee dhacday 8 Feb 2017.

Dowlada Somalia ee iminka lagu doortay sida xoriyada leh ayaa waxaa ku jira Mas’uuliyiin ay ballan ku qaaday in Gen. Gabre laga eryin doono Somalia, haddii ay caga dhigato Dowlada iminka cudunka ah ee soo dhaweynta ka heshay guud ahaan Shacabiga Soomaaliyeed.

Dowlada Cusub ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa waxaa ku adkaan doonta inay faragaliso joogitaanka Gen. Gabre ee Somalia, iyadoo sababtu ay tahay in Gabre uu kamid yahay Diplumaasiyiinta joogta Somalia ee faragalinta ku heysa Siyaasada Somalia, markii laga soo gudbo rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Gen. Gabre waxa uu xubin firfircoon ka yahay IGAD, waxa ayna taa dhaawici kartaa Xiriirka Diplumaasiyadeed ee Somalia kala dhexeeya IGAD, gaar ahaan Dowlada Ethiopia oo howlaha shaqsigaasi ku qanacsan.

Dowlada Somalia ayaa waxaa iminka u furan keliya in Dowlada Ethiopia ay ka dalbato in bedel lagu sameeyo Gen. Gabre oo ay cadaawad kala dhexeyso Shacbiga Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa suuragal ah in Siyaasiyiinta faa’iidada ku qaba Dowlada Ethiopia ee ku fogaatay faragalinta Somalia ay garab boodaan Gabre si uu ugu sii nagaato Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com