Boorsaani oo bedelay mabda’iisa iyo rajo ka gashay inuu xilka sii hayo

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale (Boorsaani), ayaa xusul duub ugu jira sida uu kusii heyn lahaa xilka Maamulka Gobolka Banaadir.

Sheekh Yuusuf oo xilkaasi cabsi ka qaba inuu ka qaado Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa iminka bilaabay Siyaasado uu ku kasbanaayo Madaxweynaha.

Boorsaani ayaa lasoo warinayaa in si joogta ah uu ula kulmo Madaxweynaha maadaama Asbuucaydii ugu danbeeyay uu ahaa mid warbaahinta ka sheegaayay inuu taagersan yahay Madaxweynaha xilka ka degay Xasan Sheekh Maxamuud.

Boorsaani ayaa iska tiraaya tuhunkii ku aadanaa inuu taageersan yahay Maamulkii hore waxa uuna juhdi ku bixinayaa sida uu kusii heyn lahaa xilka.

Boorsaani ayaa u muuqanaaya inuu ku imaaday isbedel maadaama ay meesha ka baxday Dowladii kalsoonida siisay waxa uuna muujinayaa dhex dhexaadnimo.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa dhankiisa kawada dadaal uu dib ugu dhisaayo Dowlada, waxaana suuragal ah in xilalka uu ka qaado Mas’uuliyiintii la shaqeyneysay maamulkii hore.

Farmaajo ayaa qaba in isbedelka uu qeyb ka yahay in la dhiso Dowlad cusub, si loo baabi’iyo maamulkii hore ee tuhunada kala duwan loo jeediyay.

Si kastaba ha ahaatee, Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa waxaa durba isku soo sharaxay Mas’uuliyiin dhowr ah kuwaa oo qeyb ka ahaa Garabka isbedeldoonka ee iminka la wareegay talada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com