25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

DF oo soo saareysa lacago cusub iyo dhaqaalaha ku kacaya oo la shaaciyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho ( Caasimada Online) – Iyadoo dhamaadka Asbuucii tagay magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxweyne, ayaa waxaa hadana soo baxaaya in Dowladu ay sameyneyso lacago cusub.

Bashiir Ciise Cali Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia, ayaa sheegay inay wadaan qorsho lagu soo saarayo lacago cusub oo uu dalku yeelan doono.

Guddoomiyihu waxa uu sheegay in dhabiito badan lagu qabo lacagaha iminka la isticmaalo, waxa uuna cadeeyay inay ku han weyn yihiin soo saarida lacago cusub.

Guddoomiyuhu waxa uu intaa raaciyay in arrinta lacagahaani ay uga hadli doonaan shirka May iyo April lagu qaban doono dalka Britain.

Beesha Caalamka ayuu sheegay inay qeyb ka bixin doonto lacagaha ku bixi doona daabacaada, maadaama aysan dowladu heysan dhaqaale ku filan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhaqaale xoogan uu ku bixi doono, keenista lacagahaasi isagoo xusay in dhaqaalaha ku baxaaya uu dhanyahay 60 Milyan doollar.

Si kastaba ha ahaatee, Bangiga Dhexe ee dalka ayaa kamid ah Xarumaha ay inta badan isha ku hayaan Madaxweynayaasha la doorta waxaana suuragal ah in Guddoomiyaha uu waayo xilkiisa, ka hor inta uusan soo saarin lacagtaasi maadaama la aaminsan yahay in musuq ba’an uu ka dhex jiro Bangiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News