Yuusuf Garaad Cumar oo taageeray mid ka mid ah maamullada GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in ay jiraan sababo badan oo lagu dhaliili karo, laguna diidi karo doorashadii Madaxweyne Qoor-Qoor, balse dantu ay ku jirto in la aqbalo.

Qoor Qoor ayaa ka mid ah saddex madaxweyne oo Galmudug sheegta, waxaana labada kala ay kala yihiin Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir.

Yuusuf Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay muhiimaddu  tahay maamul ay aqoonsantahay dowladda dhexe.

Ex wasiir Yuusuf Garaad ayaa xubnaha la doortay ugu baaqay in aysan dib ugu soo laaban guryahoodii Muqdisho, balse ay gutaan howlaha shaqo ee hor yaalla.

“Waxaan ugu baaqayaa in la heshiinta xoogagga Gobolka la jooga iyo isu soo celinta Baarlamaanka aanay marti uga noqon kana sugin cid kale” Ayuu yiri.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Doorashada GalMudug sababo badan oo lagu dhaliili karo ayaa muuqda. Xataa kuwo lagu diidi karo waa jiraan.

Haddana, aragtideyda, danta guud waxay ku jirtaa in maamulka uu Federaalku aqoonsan yahay ee ay Hoggaamiyaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Gacal iyo ku xigeennadooda lala shaqeeyo, lagana shaqeysiiyo.

Labada mas’uul iyo Golaha Baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in aanay is mahadin oo aanay intaan libin ka dhigan. Libintu waxay ku jirtaa in horumar la gaaro oo howl wanaagsan ay qabsoonto taas oo ku xiran in wadashaqeyn laga helo inta kale intooda badan.

Waxaan ugu baaqayaa in la heshiinta xoogagga Gobolka la jooga iyo isu soo celinta Baarlamaanka aanay marti uga noqon kana sugin cid kale.

Waxaa rajeynayaa in aanay dayaarado soo raacin oo aanay ku soo laaban guryahooda Muqdisho inta ay xilka hayaan, marka laga reebo maalmo kooban oo safar shaqo ama fasax ah.