Yuusuf Garaad: Hal sabab darteed waa fududahay in qaraxii xalay la daba-galo

Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu weeraray xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay xili Waddooyinka Muqdisho ay badankooda xiran-yihiin, oo Magaaladuna ku jirto xaalad deg-deg ah oo dowladda ay gelisay.

Haddaba Yuuruf Garaad Cumar ayaa qooraal usoo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay arrintan, isagoo soo jeediyey talaaboyin uu ku sheegay inay sahli karaan baajinta qaraxyo kale.

Waxa uu sheegay inay fududahay in la daba-galo qaraxii xalay, waxa uuna ku yiri qoraalkiisa:

“Qaraxii Xamar xalay ka dhacay waa in wax laga barto.

Waddooyinka oo xiran oo baabuur badan oo lagu dhex dhuunto iyo si loo gudbo aaneey jirin weerarka dhacay daba-galkiisu waa ka sahlan yahay qarax ka dhacay goob saxmad ah.

Waa in culeyska la saaraa in laga daba tago meesha qaraxa lagu diyaariyay, sida loo diyaariyay, cidda diyaarisay, sida loo soo dusiyay iyo cid gacan siisay hadday jirto.

Taasi waxay sahli karaa baajinta weerar dhici lahaa mustaqbalka.

Waan ku taageerayaa booliiska iyo dhammaan ciidanka amnigu howsha adag ee ay ku jiraan.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com