Yuusuf Garaad oo si kale u dhigay baaqyada beesha caalamka iyo diidmada DF ee doorashada Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha Jubbaland ee maanta ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Yusuf Garaad ayaa si dadban u sheegay in baaqyada ka soo baxaya beesha caalamka ee ku aadan doorashada Jubbaland ay yihiin kuwo dabada ka riixeyso DF Somalia, isla markaana ugu awood sheeganayso doorashada ay raalida ka aheyn ee maanta ka qabsoomeysa Kismaayo.

Yuusuf ayaa sidoo kale waxa uu su’aal galiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay iyadu iska hagratay ka qeyb-galida doorashadaasi oo aysan goob joog ka noqon karin.

Hoose ka aqriso qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay:

“Doorashada Jubaland ee Kismaayo ka socota, Xukuumadda Federaalka ee Somalia lagama talo gelin. Raalli kama aha mana joojin karto. Xataa waxba kama beddeli karto, goob joogna kama noqon karto.

Ajnabiga nagu milan kuma faraxsani, raallina kama ihi.

Waxaanse ogahay in ajnabi kaalin yeesho marka Soomaali is haysaa ay cudud bidaan.

Ajnabi waxa uu muhiim noqdaa marka Soomaali is haysa uu midkood cudud ka dhigto quwad shisheeye, oo danteeda ilaashaneysa, asaga oo dabcan wax uga beddelanaya.

Midka kalena uu helo dal, isaga oo dantiisa ilaashanaya, diyaar u ah in uu ka daafaco dhinaca ay is hayaan.

Taas oo wiiqeysa Qarannimada Soomaaliya. Markaa iigu kaadi ajnebiga oo ragaadka nagu fogeyn kara laakiin aan na muquunin kari doonin.

Marka aad si deggan u qiimeyso sida ay Dowladdu ula dhaqantay Dowlad Goboleed kasta oo ay gacanteedu gaarto, ma jirtaa cid ay eersan karto mise iyadaa kobtatadan is dhigtay?”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com