Yuusuf Garaad:- Shalay iyo Maanta

Shalay waxaa nala baray “Mooshin keene waa miino aase”. Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu waxay markaa ka wada shaqeynayeen in mudanayaal Baarlamaanka ah la iska hor taago hawl uu dastuurku xaq u siinayo, oo ah in ay la xisaabtamaan Xukuumadda.

Oraahdaasi waxay ahayd mid xad gudub ku ah hawlgudashada mudanayaasha Baarlamaanka, Dastuurkana ka soo hor jeedda.

Dhinaca kale, oraahdu waxay khafiifineysaa miino aasidda oo ah fal argagixiso. Waxay la mid dhigtay in aanay ka cusleyn in Baarlamaanka la geeyo mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna ma riddin erayadaas. Markaa waxaan u qaadan karaa in ay raalli ka ahaayeen haddaysanba iyagu abaabulin.

Maanta waa sir aan qarsooneyn in Villa Somalia ay ka shaqaneyso in la rido Ra’iisal Wasaaraha. Waxay mudanayaasha Baarlamaanka kula hadleysaa mid waliba luqadda uu yaqaan ee lagu hawlgelin karo. Abaabulka waxaa qeyb ka ah xataa diblomaasiyiin Soomaaliyeed, oo ay ahayd in ay siyaasadda bannaanka ka ahaadaan.

Markaa oraahdii aan laga fiirsan ee shalay, maxaa laga yeeli maanta?